Shir looga Hadlayo Horumarinta Dalka Jabuuti oo Maanta ka furmay Jabuuti

Sabti, June 21, 2014 (HOL) — Shir looga hadlayo horumarinta Jabuuti ayaa maanta ka furmay xarunta dalkaas ee Jabuuti, kaasoo ay ka qayb-galayaan xubno ka socda Bankiga Adduunka, hay’adaha horumarinta ee Qaramada Midoobay, dalalka dhaqaalaha leh iyo aqoonyahanno kale.

Kulankan oo socon doona saddex maalmood ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii ay Jabuuti ku gaari lahayd higsigeeda horumarineed ee sannadka 2035-ka, iyadoo ujeedka shirka uu sharaxaad ka bixiyay wasiirka maaliyadda, ganacsiga iyo warsbadaha dalka Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaale.

“Ujeeddada shirkan loo qabtay waa in dalkan la gaarsiiyo meel ka wanaagsan halka uu maanta joogo, taasna waa rajadeenna iyo tan shacabkeenna,” ayuu yiri Ilyaas oo furitaankii shirkadda kaddib u warramayay idaacadda VOA-da.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay inaan shirka looga hadlayn waxa berry dhacaya oo taas uu Alle ogyahay, balse ay doonaynaa inaan ka hadalno sidii dalkeenna aan ku gaarsiin lahayn horumar, taasna waa mid ay diinteenna Islaamku na farayso.

“Howshan waa mid u taalla shacabka Jabuuti oo dhan, mana ahan mid dowladda oo keliya u taalla, waxaana ka codsanaynaa shacabka oo dhan inay gacan ka geystaan sidii dalkan horumar lagu gaarsiin lahaa,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Wasiirka ayaa sidoo kale ugu baaqay mucaaradka Jabuuti inay qayb ka qaataan sidii dalka lagu horumarin lahaa, taasoo uu ku sheegay inay tahay mid kawada dhexeysa, ayna soo dhaweynayaan fikradaha wanaagsan ee ay soo jeediyaan.

“Mucaaradka waxaan u sheegayaa inay jiri karaan waxyaabo la isku qabto, laakiin dal jacaylka iyo horumar gaarsiintiisu ay tahay mid reer Jabuuti kawada dhexeysa, loogana baahan yahay Mucaaradka inay wixii khalad ah tilmaanaan si loo saxo,” ayuu mar kale yiri Dawaale.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri: “Wax la isku qaban karo way jiraan oo waxaa ka mid ah siyaasadda, taasi waa arrin kale, balse waxaa looga baahan yahay mucaaradka inay qayb ka qaataan horumarinta dalka.”

Dhanka kale, wasiirka maaliyadda Jabuuti ayaa xusay in ganacsatadu ay kaalin ka qaataan horumarinta dalka, isagoo xusay inay qabaan in dhaq-dhaqaaqa ganacsiga uu yahay mustaqbalka Jabuuti, ganacsatada iska leh shirkadaha iyo warshadahana ay weydiisanaynaa inay xoogga saaraan sidii lagu hirgelin lahaa horumarka ay ku taamayso Jabuuti.

“Xukuumadda waxaa looga baahan yahay inay u fududeyso maal-qabaneennada sidii ay howlahooda si ammaan ah ugu qabsan lahaayeen, waayo waxaa is weydiin leh dowladdu imisa ayay shaqooyin abuuri kartaa, sidaa awgeed ganacsatadeenna waxaan ugu baaqaynaa inay ka qayb-galaan sidii dalka horumar loo gaarsiin lahaa,” ayuu sheegay wasiirka.

Ugu dambeyn, wasiirku wuxu sheegay in dalalka horumaray ee kasoo qayb-galay shirka ay la wadaagi doonaan fikradaha ku saabsan sidii ay horumarka ku gaareen, si ay uga dhigtaan tusaale ay horumar lagu gaarsiiyo Jabuuti.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya