Sabti, June 21, 2014 (HOL) — Shirka caalamiga ah ee Qurbo-joogta Soomaaliyeed ayaa saakay oo Sabti ah si rasmi ah uga furmay magaalada Istanbuul ee waddanka Turkiga, waxaana shirkan ka qaybgalaya Soomaali fara badan oo daafaha caalamka isaga yimid.
Kulankan oo noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo ay yeeshaan Somalida qurbo-joogta ah ayaa ujeeddadiisu tahay sidii sahmin loogu sameyn lahaa sida ay u wada-shaqeeyaan bulshooyinka Soomaaliyeed ee qurbo-joogta ah.
Shirka ayaa socon doona maanta oo dhan, iyadoo ay khudbado ka jeedin doonaan xubno uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Ahmet Davutoglu, wasiiraddii hore ee arrimaha bulshada Soomaaliya, Dr. Maryam Qasim iyo weliba xubno ka tirsan qurbo-joogta Soomaaliyeed.
Qurbo-joogta Soomaalida ee shirkan ka qaybgalaya ayaa waxay labada maalmood ee uu shirku socdo ka shaqeyn doonaan sidii ay u sameysan lahaayeen hannaan ay ku mideynayaan dhammaan Soomaalida dibadaha ku nool.
Danjiraha Turkiga ee Somalia, Kamaaluddiin Kani Toren oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya aysan xilligan u baahnayn kaalmooyin bani’aadanimo oo la siiyo, balse ay u baahan tahay inay waxyaabo waaweyn lagu caawiyo sida ganacsiga oo kale, si dalku horumar u gaaro.
Sidoo kale, waxaa ka hadlya danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga, Maxamed Mursal iyo xubno kale oo khubado wax ku ool ah ka jeediyay, kuwaasoo in looga baahan yahay Soomaalida inay gacmaha is-qabsadaan ayna u guntadaan sidii ay dalkooda dib ugu dhisi lahaayeen.
Hiiraan Online ayaa idiin soo gudbin doonta arrimaha shirkan looga hadlo kaasoo socon doona maanta oo dhan haddii Alle idmo.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya




