Ururka isku-xirka suxufiyiinta Hiiraan oo cambaareeyay dilkii Yuusuf Keynan

Sabti, June 21, 2014 (HOL) — Ururka isku xirka suxufiyiinta gobolka Hiiraan HIJONET ayaa si  kulul u cambaareeyay dilkii saakay magaalada Muqdisho loogu geystay Alle ha u naxariisteen wariye Yuusuf Axmed Abuukar Keynaan oo qarax loogu xirray gaarigiisa.

Dilkan ayuu ku tilmaamay ururka mid muujinaya naceybka dhinacyada iskaga soo horjeeda siyaasada Soomaaliya u qabaan warbaahinta, taasoo ujeeddada laga leeyahay tahay oo kaliya in la aamusiyo wariyayaasha si bulshada u noqdo mid ka dhaga xiran  xaqiiqda dhabta ah ee jirta.

“Wuxuu ahaa dil fool xun, waana markii ugu horeysay oo wariye gaarigiisa qarax loogu xiro, waa farsamo cusub oo ay la soo baxeen kuwa beegsanaya warfaafinta, laakiin marnaba arrintan ma’aha mid is hortaagi doonta howlaha iyo shaqada wariyayaashu u hayaan bulshadooda,’’ ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay ururka isku xirka suxufiyiinta Hiiraan HIJONET.

Ururka HIJONET ayaa ugu baaqay hay’addaha ammniga dowladda in ay sidda ugu dhaqsiyaha badan baritaan ugu sameeyaan dilka wariye Yuusuf Keynaan, si kooxihii ka danbeeyay loo horkeeno cadaallada.

“Dowladda federaalka mas’uuliyad ayaa ka saaran ilaalinta ammniga suxufiyiinta oo ah dad aan  hubeysan, hay’addaha ammniga waa in ay sidda ugu dhaqsiyaha badan arrintan daba-gal ugu sameeyaan si cadaalada loo horkeeno kuwii ka danbeeyay.”

Allaha u naxariisteen wariye Yuusuf Keynaan ayaa ahaa shaqsi dhalinyarro ah oo siweyn u fir fircoonaa, isaga oo ka soo shaqeeyay Idaacado dhowr ah, markii ugu danbeysayna tifaftire ka ahaa Idaacada Mustaqbal.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya