Sabti, June 21, 2014 (HOL) — Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska wasiirka war-faafinta xukuumadda Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow aaa looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin wadatashiga siyaasadda dhallinyarada, horumarka laga sameeyay dib-u-heshiisiinta, xafiiska hanti-dhowrka guud oo si rasmi ah u howlgalay, xeerka saxaafadda oo la tashiyo lagala sameeyay suxufiyiin iyo kuwo kale.
Dhuxulow ayaa qoraalkiisa ku billaabay: “Wasaaradda dhalinyarada iyo Isbortiga ayaa billowday wadatashiyo lala yeelanayo dhalinyarada Soomaaliyeed oo ujeedadu tahay in dhallinyarada laga qayb-geliyo dajinta siyaasadda dhalinyarada Qaranka, si dalku u yeesho siyaasad ay kasoo qaybqaateen dhallinyarada.”
Wasiirka oo ka hadlayay horumarka ballaaran ee laga sameeyay dib u heshiisiinta ayaa yiri: “Dowladdu toddobaadkii lasoo dhaafay waxay ku guuleysatay in dagaalkii ka jiray gobolka Gedo inay kusoo afjarto si nabad ah oo dib u heshiisiin waarta la dhex-dhigay qaybihii halkaas ku dagaalamay. Wasiir ku xigeenka gaashaandhigga iyo xildhibaanno Soomaaliyeed ayaa ku guulaystay in kooxihii ku dagaalamay Beled-xaawo la dhex-dhigo dib u heshiisiin waarta oo madax dhaqameedka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ay ka wada qaybqaateen, sidoo kale maamulka Jubba oo madaxweyne ku xigeenkooda iyo maamulka Gedo ee dowladda ay si wadajir ah uga shaqeeyeen sidii dagaalladaas loo joojin lahaa oo maanta aan ku faani karno in dib u heshiisiin waarta la isla qaatay oo ah siyaasadda dowladda oo khilaaf walba oo jira loo baahan yahay in lagu xaliyo si nabad iyo dib u heshiisiin ah.”
Mar uu wasiirku ka hadlayay xafiiska hanti-dhowrka guud ee Qaranka ayaa wuxuu sheegay in 18-kii bishan si rasmi ah loo furay xafiiskaas oo la rajeynayo inuu si fiican uga howlgalo dalka. Hanti-dhowrka guud waxuu ka howlgalayaa sidii loo joojin lahaa musuqmaasuqa iyo maamul xumada. Hanti-dhowrku waxuu ku yimid hab furfuran oo tartan loo wada-galay, ujeeddaduna ay tahay in la horumariyo maamul wanaaga dalka iyo maamulka iyo maareynta maaliyadda oo maanta aan ku faani karno inay marayaan marxalad kalsooni siiyey deeq bixiyeyaasha caalamka.
Wasiirka ayaa sidoo kale warsaxaafadeedkiisa kaga hadlay xeerka Saxaafadda oo la tashiyo lagala sameeyay suxufiyiin Soomaaliyeed ayaa yiri: “18kii Juun guddiga dib u eegista xeerka saxaafadda ayaa Nairobi ku qabtay shir wadatashi lala yeelanayay suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan Nairobi. Ujeeddada kulankaas wadatashiga ahna wuxuu qayb ka ahaa la tashiyo in muddo ah lasoo waday si xeerkan uu gabi ahaan waxyaabihii looga baahnaa loo dhameystiro.”
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya