Sabti, June 21, 2014 (HOL) — Ururka difaaca xuquuqda wariyayaasha caalamka ee CPJ ayaa sheegay in shantii sano ee la soo dhaafay ay kaalmo u fidiyeen ilaa 404 oo wariye oo wadamo kala duwan ka soo jeeda, kuwaasoo tacaddiyo lagu kacay .
Liis uu soo saaray ururkan waxaa kaalmaha hore ku jirta Soomaliya oo siyaabo kala duwan loogu dilay wariyayaal howl-maalmoodkoodi shaqo ku jiray ,halka wadamada kala ah Iran,Itoobiya iyo Ererteriya, iyagana lagu soo daray goobaha ay khatarta ugu badan ka jirto.
“Wariyaasha oo laga tirxiiilaa goobaha ay ka howl-galayaan ,waa mid kamid ah carqa-ladaynta xuriyatul-qowlka “ayey tiri Maria Salazar-Ferro oo ah xiriiriyaha arimaha kaalmada ee CPJ,iyada oo ka digtay dhibaatooyinka lagu hayo wariyayaasha.
Iiraan ayaa hogaaminaysa dhanka xabsi u taxaabidda wariyayaasha, halka dalka Siiriya uu noqday meesha uga halista badan ee ay ka howl-galaan wariyayaashu, iyadoo Soomaaliyana lagu dilay dhalinayaro badan oo saxafiyiin ah.
Kaliya 50% saxafiyiinta laga barakiciyay wadamadii ay ku noolaayeen ayaa dib u sii wata shaqooyinkoodi hore ,waxaana jira qorshe ay Qaramada Midoobay waddo oo lagu taageerayo saxafiyiinta dhibaataysan.
CPJ oo saartay warbixintan maalinimadii shalay ahayd oo ku beegnayd maalinta qaxootiga adduunka ayaa ku baaqday in laga hortago xad-gudubyada lagu hayo wariyayaasha oo ay ku jiraan kuwa Soomaaliya.
Ugu danbayntii arintan ayaa ku soo beegmaysa ,iyadoo wariye ka howl-galayay mid kamid ah idaacadaha Koonfurta Soomaaliya lagu dilay magaalada Muqdisho, waxaana dilkaasi siyaabo kala duwan u canbaareeyay masuuliyiinta dowladda iyo hay’ado caalami ah .
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]