Sabti, June 21, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sh. Axmed Maxamed oo maalmahan safar shaqo ku joogay dalka Kenya ayaa caawa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Kenya.
Kulanka ayaa waxaa soo qaban-qaabisay safaaradda Somalia ee Kenya, waxaana kasoo qayb-galay safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamaed Cali Ameeriko, xildhibaanka laga soo doorto degmada Kamakunji, Yuusuf Xasan Cabdi, guddiga ganacsatada ee xaafadda Islii iyo waxgarad kale.
Intii kulanku uu socday ayaa waxaa ra’iisul wasaaruhu wuxuu jaaliyada Soomaalida ee ku nool Kenya uga warbixiyay xaaladda uu dalku ku sugan yahay, isagoo ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay ka qaybgalaan dib u dhiska dalka.
Kulankan ayaa ahaa midkii ugu horreeyay oo madaxda Soomaalida iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Nairobi ku sugan ay isku arkeen tan iyo wixii ka dambeeyay markii ciidamada dalka Kenya ay howlgallada Soomaalida badan lagu qabqabtay ka billaabeen magaalada Nairobi.
Gaba-gabadii kulanka ayaa waxaa qudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/wali Sh Axmed wuxuuna mas’uuliyiintii kasoo qayb-galay kulanka uga warbixiyay kulammadii uu ka qayb-galay muddadii uu ku sugnaa Kenya, waxaana uu ka cadeeyay kulankan xalay inay isla afgarteen dowladda Kenya wax-ka-qabashada dhibaatooyinka Soomaalida ku nool Kenya.
Soomaali fara badan ayaa ku nool dalka Kenya, kuwaasoo intooda badna dhawaan lagu qabqabtay howlgalladii ay Kenya ugu magic-dartay Usalama Watcha oo ay ku sheegeen inay ku qabqabanayaan dadka aan sharciga lahayn iyo argagaxisada.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













