Sabti, June 21, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmiya u sheegay inuu uga tanaasulay musharaxnimadii madaxweynenimo ee xisbiga KULMIYE madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.
Muuse Biixi ayaa sheegay inuu u tudhayo qaranka Somaliland, isla markaana aanu doonayn inuu xisbigiisu burburo, waxaanu xusay inuu aqballay ganacsato deegaankiisa ka soo jeeddo oo usoo jeediyey inuu musharaxnimadaasi ka tanaasulo.
“Xisbiga kulmiye muddo dhawr sano ah ila sadex sanno khilaaf siyaasi ah oo salka ku hayey musharaxnimada madaxtinimadda ayaa jiray , waxa aakhirkii isa soo hor joogsaday madaxweynaha iyo aniga, wax badana khilaafkaasi wuu keenay, kulmiye musharaxnimadda qof uun baa uga tartamaya, tartankana mid uun baa laalaabanaya anigaana laablaabtay”ayuu yidhi Muuse Biixi oo ka hadlayey sababta uu uga tanaasulay musharaxnimadiisii.
“Haddii tartan uu dhaco cidbaa adkaata cidna waa la reebaa cidna waa ay soo baxdaa KULMIYE Murashax qudha ayuun buu yeelanayaa sida Xisbiyada kale oo dhanba malaha qoladiina kubada taqaana Spain oo xalay koobka eegaysayba waa laga laga saaray Saaxada way iska laalabatay England oo Ciyaaraha u soo aas aastayna waa ay iska laab laabatay markii Kulmiye iyo Odayaashiisii iyo dadka Xoogiisiba ay u cadeeyeen ninka la reebay ee laablaabtay waa aniga taana waan qaatay ninka murashaxnimada loo daayey ee Murashax noqdayna waa madaxweynaha waa ciyaar game ah oo siyaasada Kubada iyo noloshuba ay leedahay”ayuu raaciyey hadalkiisa
“Haddii uu qofku sida uu doono waayo noqon mayso inuu xisbiga burburiyo, xisbigan waanu u tudhayna ana waan ka weynahay qof dudda ama cadhoodda, qarankana wuu u baahan yahay in cid laga adkaato qaadato, dalkan waxaan usoo maray wax waxan ka adag, qofku haddii uu dantiisa oo qudha wax u doonayo wuu cadhoon kara meel kale ayuu u wareegi karaa, laakiin anigu haddii aan musharaxnimada doonayey oo is lahaa dalka wax ma u qaban karta anigoo gaadhin ayaa meel soke laga joojiyey oo Guurtida I xukuntay”ayuu yidhi.
Si kastaba ha ahaatee, gudoomiyaha kulmiye Muuse Biixi iyo Madaxweynaha ayaa xalay kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada, waxaana dhex dhexaadintaasi waday koox ganacsato ah oo ka soo jeedda deegaanka gudoomiyaha, waxaanay xalay xilli dambe soo saareen ganacsatadaasi inuu gudoomiyuhu ka tanaasulay musharaxnimadda madaxweynenimadda.
Muddooyinkii u dambeeyey waxa magaalooyinka qaar ka jiray taageero ay u muujinayaan gudoomiyuhu inuu isku soo taago musharaxnimada madaxweynenimada, taasina waxay keentay inay xukuumaddu isku daydo inay xoog ku kala dareeriso, ilaa markii dambe amar lagu siiyey hoteelada in aan lagu qaban Karin munaasibado lagu taageerayo gudoomiye Muuse, arrintasi waxay ka cadhaysiisay dadweynihii taageerayey Muuse Biixi, waxaanay laba cisho ka hor wasaasaradda arimaha gudaha ka dalbadeen mudaharaad salmi ah oo ay ku muujinaayaan sida ay uga xun yihiin ficilada ay xukuumadu ku kacayso, haseyeeshee mudaharaadkaasna waa loo diiday, waxaanay xukuumadu ka baqaysay inay dhalinyaro taageersan gudoomiyaha xisniga mudaharaad ka dhigaan magaaladda Hargeysa oo ah meesha ugu badan ee laga taageerayo Muuse Biixi.
Tanaasulkani waxay xukuumadda hoos uga dhigaysa werwerkii ay ka qabtay mudaharaado iyo rabshado ka dhaca magaaladda Hargeysa, maadaama oo dhalinyaro aad u taageersani wadwadeen shirar ay ku taageerayaan Muuse Biixi, dhinaca kalena waxay tunaasulkani ka farxineyn taageerayaashiisa oo laga yaabo inay u wareegeen xisbiyada mucaaradka ah maadaama oo aanay raali ka ahayn inuu ka tanaasulo musharaxnimadiisa.
Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye MUUSE Biixi Cabdi ayaa kamid ahaa taliyeyaashii sarsare ee jabhaddii SNM, waxaanu madax u ahaa ciidankii 1988 kiii soo galay magaaladda Hargeysa oo ciidankii 26aad ee ugu badnaa ee dawladdii Siyaad Bare dagaalkii ugu adkaa ku dhexmaray Hargeysa,sidaa darteed gudoomiyuhu wuxuu saameyn balaadhan ku leeyahay bulshadda dhexdiisa, waxaana khilaafka madaxweynaha iyo gudoomiyaha soo dhexgalay saameyn ku yeeshay amnigii wadanka.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland