Wariye Yuusuf Keynaan oo Muqdisho lagu Aasay iyo Dilkiisa oo laga Hadlay


Sabti, June 21, 2014 (HOL) — Marxuum wariye Yuusuf Axmed Abuukar (Keynaan) oo saakay lagu dilay qarax gaarigiisa loogu xiray ayaa maanta Muqdisho lagu aasay, iyadoo aaskiisa ay ka qayb-galeen saraakiil ka tirsan booliiska, wasiirka warfaafinta iyo qaar ka mid ah wariyeyaasha ka howl-gala Muqdisho.  

Waxaa lagu aasay wariyahan qubuuro ku dhow dugsiga booliiska Somalia iyadoo dilkiisa ay ka hadleen dowladda Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, kuwaasoo si isku mid ah u cambaareeyay dilka wariyahan.

Dilka wariyahan oo aan illaa la ogeyn cidda ka dambeysa ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo lagu dilo wariye ka howlgala Muqdisho, waxaana qaraxan loogu xiray kursiga gaarigiisa, iyadoo aysan cid kale oo wax ku noqotay.

“Arrintan waxaa arrin aad uga naxnay, waxaana kula xisaabtamaynaa garaashkii uu gaariga dhiganayay, dhowr jeer oo hore ayaana uga dignay dadka in gaariga ay dhigtaan garaashyada iyo bannaanada si waxyaabaha qarxa aan loogu xirin, balse taas dhegaha ayaa fureystay,” ayuu yiri mas’uul maamulka Xamarweyne ka tirsan, halkaasoo uu qaraxu ka dhacay.

Marxuum Yuusuf Keynaan oo xilliga ahaa tifaftiraha idaacadda Mustaqbal FM oo ka mid ah kuwa ka howlgala Muqdisho ayaa wuxuu la shaqeynayay idaacad kale oo ka hadasha arrimaha bani’aadamnimada oo ay maal-geliso QM.

Sidoo kale, wariyahan wuxuu kasoo shaqeeyay Radio Shabelle oo ahayd halkii uu howsha saxaafadda ka billaabay, isagoo sidoo kale u soo shaqeeyay Kulmiye Radio oo uu xilli dambe ka tagay.

Wariye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo ka tirsan Radio Bar-kulan horayna u soo wada-shaqeeyeen ayaa ku tilmaamay marxuumka inuu ahaa wariye firfircoon oo muddo ay isla soo shaqeeyeen, isagoo xusay inay dishay gacan ka xaq-daran.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay baarayaan ciddii ka dambeysay dilka loo geystay wariye Keynaan ayna sharciga horkeenayso, iyadoo Yuusuf Kaynaan uu ka mid noqonayo wariyeyaashii sannadihii dambe lagu dilayay Soomaaliya oo ah halka ugu khatarta badan caalamka ee ay suxufiyiintu ka howlgalaan.

Ururrada suxufiyiinta Soomaalida ayaa dalbaday in kooxihii dilkaas geystay sida ugu dhaqsiyaha badan sharcigana loo horkeeno, sidoo kale Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa iyaguna dalbaday in cadaaladda la horkeeno kuwii falkaas geystay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya