
Sabti, June 21, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii wariye Yuusuf Keynaan oo ku dhintay qarax saaka lagu xiray gaarigiisa. Wariyaha ayaa ka mid ahaa kuwa ka howlgala idaacadaha Mustaqbal iyo ergo oo ka shaqaysa arrimaha bani’aadamnimada.
C/weli Sheekh ayaa sheegay inay dawladda Soomaaliya sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto kuwa gumaadka ku haya Soomaaliyeed, isagoo tacsi u diray ehelka, asxaabta iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed oo uu ka geeriyooday wariyahan.
“Dilka loo geystay wariye Kenyaan wuxuu calaamad u yahay dhibaatooyinka ay kooxaha argagaxisada ah ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. waxay laamaha ammaanku dadaal ugu jiraan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen kuwii ka dambeeyay dilkan naxdinta leh lana horkeeno hor keeno cadaaladda,” ayuu ku yiri ra’iisul wasaaruhu hadalkiisa.
Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu mar kale yiri: “Runtii aad ayay ii dhibaysaa inaan maqlo muwaadin Soomaaliyeed ayaa ku dhintay qarax ama la dilay. Waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed inay gacan siiyaan laamaha ammaanka sidii looga adkaan lahaa dadka dulmiga ka dhex-wada ummaddeenna.”
Ra’iisal wasaaraha ayaa ku tilmamay falkaas mid naxariis-daro ah oo aan loo nisbeyn karin diinta Islaamka, isla markaana aan raad ku lahayn dhaqanka Soomaaliyeed.
Illaa hadda ma jirto cid sheegatay dilka marxuum Yusuuf Keynaan, waxaana isla maanta lagu aasay wariyahan magaalada Muqdisho, iyadoo wariyeyaasha kala duwan ee Muqdisho ka howlgala ay codsadeen in sharciga la horkeeno kuwii ka dambeeyay dilkiisa.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya