Sabti, 12 Feberaayo, 2011 (HOL) – Xildhibaan Ibraahim Maxamed Deeq (Ibraahim Deeq) oo ka mid ah xildhibaannada kasoo jeeda gobollada SSC, ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku sheegay colaadda Kalshaale weerar uu maamulka Somaliland ku qaaday dad shacab ah oo ku nool deegaankaas iyo hareerihiisa.
"Dagaalka Kalshaale waa dagaal lagu xasuuqayo laguna qixinayo dad rayid ah oo diiddan gooni isu-taagga Somaliland," ayuu yiri xildhibaanka oo sheegay in dagaalka ay ka dambeeyaan dad ay isku dhow yihiin madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.
Xildhibaanku wuxuu sheegay in beesha calaamka iyo ummadda Soomaaliyeed uu u caddeynayo in maamulka Hargeysa uusan xoog iyo qori-caaraddii shacbigayaga kaga dhaadhicin karin siyaasad ku dhisan mabda’ aysan aaminsanayn.
Mudanaha ayaa colaadda taagan ku tilmaamay inay tahay mid ay Somaliland ku doonayso inay xoog kula wareegto degmada Buuhoodle iyo deegaannada hoos-yimaada, isagoo xusay in dadka deegaannadaas ku nool aysan raalli ka noqonayn in awood ciidan lagu muquuniyo.
"Xoogagga SSC waxaan ku dhiirrigelinayaa inay caqligooda iyo cududooda u mideeyaan sidii ay isaga caabbin lahaayeen weerarada ay xukuumadda Siilaanyo ku hayso," ayuu xildhibaanku ku yiri warsaxaafadeedkiisa.
Mudane Ibraahim Deeq, ayaa shirkiisa jaraa'id kusoo gabgabeeyay in colaadda ka taagan Kalshaale ay imaanayso iyadoo ay gobolladaas ka taagan yihiin abaaro xooggan oo saameyn ku yeeshay dad iyo duunyo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya