Xukuumadda Soomaaliya oo xilkii ka qaaday Maareeyihii garoonka Muqdisho una magacowday Maareeye cusub

Sabti, 12 Feberaayo, 2011 (HOL) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa xilkii ka qaaday maareeyihii garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo xilkaas loo magacaabay mas'uul cusub ka tirsanaa waaxda saadaasha hawada ee garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen maariyihii hore ee garoonka Maxamuud Sheekh Cali (Dable-Bayloote) iyo maareeyaha cusub Cali Maxamuud Ibraahim (Cali Madoobe) ayaa maanta ka dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho.

"Anigu waxaan xilkan saadaasha hawada iyo garoonka la ii magacaabay 21-kii April 2007, waxaana xilka la wareegay 05-tii May 2007, xilligaas waxaan ka fikiray howsha i hortaalla, Alle mahaddii maanta waxaan xilka wareejinayaa iyadoo horumar weyn uu ku tallaabsaday garoonka," ayuu yiri maareeyihii hore ee garoonka Dable-bayloote.

Sidoo kale Dable-bayloote wuxuu sheegay in markii uu xilka la wareegayay inay laba qof oo keliya ka shaqeynayeen dhismaha garoonka, haddana dhammaan qaybaha garoonka uu shaqeeyo, isagoo sheegay in shaqaalihii uu garoonka ugu yimid ay si wanaagsan u wadashaqeeyeen.

Maareeyaha cusub Cali Maxamuud Ibraahim (Cali Ibraahim) oo isna xafladda ka hadlay ayaa sheegay inuu saddex sano ka mid ahaa shaqaalaha garoonka uuna ku faraxsan yahay xilka loo dhiibay, isagoo intaa ku daray in xilligii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya uu ka mid ahaa shaqaalaha garoonka Muqdisho.

Wasiir u dowlaha wasaaradda dekedaha gaadiidka cirka, dhulka iyo badda C/rashiid Xaaji Deerow oo isaguna ka hadlay xafladda ayaa u mahadceliyay maareeyihii hore ee garoonka diyaaradaha, wuxuuna xusay inaan looga maarmin shaqada garoonka.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa howlo tijaabo ah ka bilowday shirkadda SKA Air oo ay hesiis la gashay dowladda KMG ah, waxaana garoonka oo muddo ka badan 10-sano xirnaa dib loo furtay sannadkii 2006, xilligaasoo ay maxkamadihii Islaamka awoodda kala wareegeen hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya