Sabti, 12 Feberaayo, 2011 (HOL) – Siminaar ay goobjoog ka ahaayeen 150 oday-dhaqameed ayaa maanta lagu qabtay Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho, waxaana siminaarkaas oo ay soo qabanqaabisay hay'adda CCD kasoo qayb-galay odayaal-dhaqameed, waxgaradka, nabaddoonno, culumaa'udiinka iyo odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye.
Guddoomiyaha golaha dhaqanka beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo furitaankii siminaarka khudbad kooban ka jeediyay ayaa sheegay in siminaarrada noocaan oo kale ah ay muhiim u yihiin odayaasha beelaha Hawiye si ay isugu weydaarsadaan sidii ay uga bixi lahaayeen dhibaatada gaarka u noqotay degaannada beelaha Hawiye, wuxuuna u mahad-celiyay hay'adda CCD.
"Beelaha Hawiye waxay leeyihiin dhul baaxad leh oo caasimaddii dalka ay ka mid tahay, mar haddii deegaankaas leeyihiin waxaa daba-taalla inaan loo deynayn," ayuu yiri Xaad oo sheegay in siminnaarkan oo kale aan horay logou qaban waxgaradka beelaha Hawiye, isagoo intaas ku daray in dadka dhibaatada kawada dalka ay ku cibro-qaataan wixii ka dhacay dalalka Carabta.
Siminaarka xubnihii kasoo qeyb galay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha dalladda ururrada bulshada rayidka gobolka Banaadir Muxyadiin Xasan Afrax, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye Jimcaale Maxamuud Nuur (Jeebweyne), afhayeenka beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali, guddoomiyihii hore ee degmada Baladweyne Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso), wakiilka imaamka Abgaal Islow Maxamed Yuusuf, wakiilka ugaaska Abgaal Shariif Xuseen Jilicow iyo waxgarad kale.
Afhayeenka beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in dad aan Hawiye ahayd ay dhibaato kawadaan degaannada beelaha Hawiye, isagoo sheegay in taas ay ku dhacday midnimo la'aanta beelaha Hawiye iyo tafaraaruq ku dhex jira, hase yeeshee waxa uu sheegay in Hawiye markaan u soo jeestay sidii uu isaga dulqaadi lahaa heeryada dulsaaran.
Guddoomiyaha dalladda ururrada bulshada rayidka gobolka Banaadir Muxyadiin Xasan Afrax oo khudbad ka jeediyay siminaarka ayaa sheegay inuu isagu soo jeedinayo in beelaha Hawiye ay sameystaan maamul goboleedyo si ay uga baxaan dhibaatada taalla dhulkooda, wuxuuna sheegay in deegaannada Hawiye dadkii daganaa ay isaga barakaceen, waxaana xubnihii hadlay ka codsaday hay'adda CCD inay garab ku siiso sidii ay ugu guuleysan lahaayeen himiladooda.
Mas'uuliyiintii ka hadlay siminaarka waxaa kaloo ka mid ahaa Aadan Garaase, Islow Maxamed Yuusuf, Shariif Xuseen Jilacow, Imaam C/llaahi Khaliif Rooble iyo xubno kale, kuwaasoo sheegay in haddii Hawiye midoobo uu xalka Soomaaliya si dhaqso ah ku imaanayo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya