Sabti, 12 Feberaayo, 2011 (HOL) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in xal laga gaaray khilaaf sababay in muddo hal toddobaad ah ay hakad galaan howlihii dekedda Muqdisho, iyadoo mas'uul ka tirsan dowladda uu maanta sheegay inay dib dekedda ay furan tahay.
Wasiir ku xigeenka wasaarada dekedaha gaadiidka cirka, dhulka iyo badda, C/qaadir Xaaji Maxamed (Luga-dheere) ayaa saxaafadda u sheegay in khilaafkii soo dhex-galay ganacsatada iyo maamulka dekedda Muqdisho ee sababay in howlaha dekeddu ay joogsadaan la xalliyay .
"Shirkan jaraa'id waxaan u qabtay inaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed u caddeeyo in la xalliyay khilaafkii sababay inay hakadaan howlaha dekedda Muqdisho, ayna wiixi maanta ka dambeeya furan dekeddu tahay," ayuu yiri Lugadheere.
Wasiir ku xigeenku carrabka kuma dhufan waxa sababay khilaafka, balse wuxuu ku gaabsaday oo keliya in la xalliyay, waxaana khilaafkan markii uu dhashay ay ku dhawaaqeen ganacsatada alaabaha kala soo daga inay howshii joojiyeen inta laga xallinayo khilaafka.
Khilaafkan ayaa ka dhashay markii ganacsatada iyo maamulku ay ku kala aragti duwanaadeen sida loo maamulayo wiishasha ka shaqeeya dekedda dhexdeeda, kuwaasoo maamulku uu codsaday inay maamulkooda hoosyimaadaan, taasoo ay ku gacan-sayreen ganacsatada.
Dekedda Muqdisho oo ah isha ugu weyn ee ay DKMG ah dhaqaalaha ka hesho ayaa waxaa maanta ka dagaya shixnado ganacsi iyadoo ay howlaheedu si caadi ah u billowdeen, waxaana inta ay jirto xukuumadda cusub ka dhacay dekedda khilaafyo sababay inay xiranto.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya