Sabti, 12 Feberaayo, 2011 (HOL) – Waxgaradka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada hoose ayaa ku guuleystay inay ceelal biyoodyo ka qodaan degmadaas, waxaana dhaqaalaha lagu qoday ceelashan gacan ka geystay ganacsatada degmadaas.
Ceelal biyoodyadan ayaa waxaa ka faa'iideysan doona dadka ku nool degmadaas iyo kuwa ka imaanaya deegaannada u dhow-dhow oo ay ka jirto xaalad biyo la'aaneed oo ka dhalatay abaaraha xooggan iyo roob la'aanta.
"Sababta ugu mihiinsan ee ceelashan loo qoday waa inay ka faa'iideystaan dadka ku nool daafaha degamada Wanlaweyn oo ay biyo la'aani haysato, taasoo ka dhalatay abaaraha dalka oo dhan ku dhuftay," ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka degmada Wanlweyn oo saxaafadda la hadlay maanta.
Dadweynaha ku nool gudaha iyo daafaha degmada Wanlaweyn ayaa soo dhaweeyay ceelasha la qoday, iyagoo sheegay inay wax badan ka tarayaan biyo la'aan ba'an oo haysatay bilihii ugu dambeeyay, gaar ahaan markii ay abaaraha xooggan dalka ka dillaaceen.
Gobolka Shabeellada hoose ayaa ka mid ah gobollada ay abaaraha saameynta ba'an ku yeesheen, iyadoo maamulka Xarrakatul Shabaab ee ka taliya ay biyo dhaamis u sameeyaan dadka ku nool deegaannada hoostaga degmooyinka gobolkaas.
Waxgaradka degmada Wanlaweyn ayaa ku baaqay in la badiyo kaalmeynta dadka ku nool degmada Wanlaweyn iyo deegaannada ku hareeraysa, kuwaasoo ay sheegeen inay ahaayeen beeraley iyo xoolaley ay abaartu saameyn ba'an ku yeelatay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya