Danjire Mahiga oo mar kale Muqdisho booqday (SAWIRRO)


Sabti, February 12, 2011(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Ahmed ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Villa Soomaaliya Danjire Augustine Mahiga oo ah ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan Dalka Soomaaliya, waxaana goobjoog ka ahaa kulankaas Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo  Gudoomiyaha Baarlamaanka Sharif Xasan Sh. Adan.

Kulankaas waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen sidii looga bixi lahaa xilliga ku meel gaar ah ee DFKG, tageerada beesha caalamka, iyo mooshinkii uu u codeeyey Golaha Barlamaanka taariikhdu markii ay ahayd 03/02/2011. Baarlamaanka ayaa muddo 3 sano ah ku kororsaday xiliga jiritaankiisa.

“Go’aanka Barlamaanka waxaa uu leeyahay qadarintiisa, maxaa yeelay cidda ay aheyd go’aanka in ay qaadato waa iyaga, waana ay qaateen, hadana waxaan fiirineynaa maxaa umada Soomaliyeed dantu ugu jirtaa?”. Sidaas waxaa yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo kulanka ka hadlay.

Madaxweynaha iyo Danjire Mahiga ayaa  sidoo kale waxaa ay isku raaceen in uu shirkoodu ku dhamaaday guu,l lana sii wadi doono wada tashiyo kale oo dowlada Soomaaliya horumar iyo nabad lagu gaarsinaayo.

Danjire Mahiga ayaa markii uu Baarlamaanka Soomaaliya waqtiga jiritaankiisa kororsaday waxaa uu sheegay in arrintaas aysan ahayn suurtagal, waxaana muuqata in ujeedka socdaalkiisan uu arrintaas la xiriiro.



Xafiiska Wararka Hiiraan Online
[email protected]