Xildhibaanno sheegay in xukuumadda KMG ah ay dhacayso haddii ay wax ka qaban waydo ammaanka Muqdisho

Sabti, 12 Feberaayo, 2011 (HOL) – Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ay dhacayso haddii muddada ay qabsatay ee 100-maalmood ah ay wax uga qaban waydo ammaanka magaalada Muqdisho.

"Xukuumaddu waxay qabsatay inay muddo 100 maalmood ah wax uga qabanayso ammaanka Muqdisho, waxaana xilliga uu ku dhow yahay gabo-gabo, haddii ay wax ku qaban waydo muddadaas ammaanka way dhacaysaa," ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar oo ku hadlayay afka mudanayaasha fikirkan qaba.

Mudane Cumar ayaa sheegay in xukuumadda uu horkacayo ra'iisul wasaare Maxamed Cumar Farmaajo uu baarlamaanku codka u siiyay si ay u soo celiso ammaanka guud dee dalka, gaar ahaan Muqdisho oo ay xukuumaddu ku shaqeyso, haddii ay wax kaga qaban waydana ay dhacayso.

"Waxaa toddobaadyadii ugu dambeeyay kusoo kordhayay degmooyinka yar ee ay dowladdu kaga sugan tahay Muqdisho falal ammaan-darro, iyadoo caasimadda inteeda badan ay gacantga ku hayso Al-shabaab," ayuu yiri Mudane Cumar.

Xildhibaannada fikirkan qaba ayaa sheegay in qaraxyada iyo rabshadaha ka dhacaya degmooyinka ay dowladdu maamusho ay calaamad cad u yihiin in xukuumaddu aysan waxba ka qaban karin xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho inta aan la gaarin dalka oo dhan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inteeda badan gacanta ku haysa Xarrakatul Shabaab oo dagaal kula jirta dowladda, iyadoo xukuumaddu aysan wax jawaab ah ka bixin eedeynta kaga timid mudanayaashan baarlamaanka ka tirsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya