
Sabti, 12 Feberaayo, 2011 (HOL) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo lacagta DKMG ah Mukhtaar Sheekh Shuute Sheekh Shariif ayaa maanta martiqaad u sameeyay Ciyaartoydii hore ee Qaranka Soomaaliyeed, kuwaasoo wasiir ku xigeenku uu horay uga mid ahaa.
Kulankan oo wasiirku uu ku sheegay inuu yahay mid ay dib isugu xusuusanayaan ciyaartoydii hore ee Qaranka ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya e Muqdisho.
Munaasabaddan ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirka wasaaradda arrimaha bulshada shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo isboortiga C/nuur Macallin Maxamuud, wasiir ku xigeenkiisa C/rashiid Maxamuud Xirsi, agaasimaha guudee wasaaraddan Aweys Sheekh Xadaad, ku xigeenka agaasimaha guud ahna agaasimaha wasaaradda maaliyadda iyo lacagta C/llaahi Yuusuf Maxamed iyo Guddoomiyaha GOS ee Gobolka Banaadir.
Ciyaartoyda wasiir ku xigeenku uu casuumay ayaa waxay kala ahaayeen:
Xasan Maxamed Nuur (Xasan Raas), Naadigii Minishiibiyo
Maxamed Muuse Samatar, Naadigii Jeenyo - LLPP
Aweys Weyne, Naadigii Badda
Ismaaciil Malaaq Abuukar, Naadigii Batroolka
Cumar Gedo, Naadigii Horseed
Maaxi Bilaal Maye, Naadigii Jeenyo - LLPP
C/asiis Siidow Maxamed (Kuluu), Naadigii Gadiidka
Daa'uud Diiriye Fiidse (Macalin), Naadigii Gadiidka
Maxamed Sheekh Axmed, Naadigii Madbacada
Axmedey Hilowle Maxamuud, Naadigii Jeenyo - LLPP
Mulki Nuur Muudey, Naadigii Jeenyo - LLPP
Malyuun Nuur Muudey, Naadigii Jeenyo - LLPP
Dhool Maxamed Cabdi, Naadigii Somali-fruit
Biibto Axmed Jimcaale, Naadigii Badda
Faadumo Aweys Maxamed, Naadigii Jeenyo - LLPP
Jaamac Mayow Jaamac, Naadigii Batroolka
Cabdalla Cumar Ceelle (Quuq), Naadigii Batroolka
Geediyo Cali Abshir, Naadiyadii Warshadaha iyo Horseed
Hodan Maxamed Xaaji, Naadigii Horseed
Faadumo Cali C/raxmaan, Naadigii Heegan
Daahir Axmed Cali (Macalin), Naadigii Heegan
Sayid Cabdi Xaaji, Naadigii Badda
C/qaadir Axmed Xuseen (KooKow), Naadigii Jeenyo - LLPP
Macallin C/risaaq Nuur, Naadigii Somali-ta
Abuukar Maxamed C/raxmaan (Macalin), Naadigii Somali-ta
C/raxmaan Xuseen Bulac, Naadigii Madbacadda
Nuur Cabdi Xaaji, Naadigii Horseed

Dhanka kale, kulankan ayaa noqday mid ciyaartoyda hore ee Qaranka, waxay ku sheegeen inay xaaladooda nololeed aad u adag tahay, iyadoo soo jeediyay inay u baahan yihiin waxqabad muuqda.
"Waxaa jira qaar ka mid ah ciyaartoydii Qaranka Soomaaliya oo gaajo u dhintay, intii uu dalka hagaasanaana ahaa geesiyaal Soomaaliya u soo hoyay guulo fara badan, laguna tilmaami jiray libaaxyadii Afrika, marka waxaan dowladeenna ka codsanaynaa wax qaban muuqdo," ayuu yiri Axmadey Hilowle oo ka mid ahaa ciyaartoydii Qaranka oo kulanka ka hadlay.
Wasiir ku xigeenka oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inuu ugu deeqayo xafiis u shaqeynaya ciyaartoydii hore ee cuslaatay ee Qaranka Soomaaliya, iyadoo ay ciyaartoydu magacowdeen guddiga xafiiskaas ka shaqeyn lahaa, kuwaasoo kala ah:
1. Cabdulle Cumar - Guddoomiye
2. Maxamed Muuse Samatar - Guddoomiye ku-xigeenka koowaad
3. Dhool Maxamed Cabdi - Guddoomiye ku-xigeen labaad
4. Jaamac Mayow Jaamac, mas'uulka maaliyadda
5. Axmadey Hilowle - Xoghayaha guud ee guddiga

Ugu dambeyn, ciyaartoyda ayaa sheegay haddii ay wax-qabad helaan inay ka go'an tahay inay tababarro siiyaan ciyaartoyda da'yar ee Soomaaliyeed, ayna kasoo saari doonaan ciyaartoy dalka guulo u soo hoya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya