Maxamed dheere oo sheegay in xildhibaannada baarlamaanku ay xilliga kororsadeen iyagoo aan waxba qaban

Sabti, 12 Feberaayo, 2011 (HOL) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed dheere), oo ka hadlay muddada ay kororsadeen xidhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xubnaha baarlamaanku ay xilliga kororsadeen iyagoo aan waxba qaban intii ay jireen.

"Xildhibaannada baarlamaanka waxba ma qaban muddadii labada sano ahayd ee lagu soo siiyay dalka Jabuuti, intiii ka horreysayna wax ay qabteen oo muuqda ma jiro, marka inay xilliga iska kororsadaan waa mid ay ku fududaadeen," ayuu yiri Maxamed dheere.

Duqii Muqdisho ayaa sheegay inay ahayd inay ku darsadaan xilliga ay shaqeynayaan lix bilood iyo wax la mid ah, balse inay ku darsadaan saddex sano waa mid caddeyn u ah inay doonayaan inay goobta iska sii fadhiyaan.

"Go'aanka baarlamaanka waa mid la mid ah qof qaawan oo haddana leh waan fiyoobahay, maxaa yeelay, go'aanka ay qaateen waa mid ay iyagu iska gaareen iyagoo aan kala tashan madaxa kale ee dowladda," ayuu yiri Maxamed dheere.

Dhaliilaha loo jeedinayo go'aanka ay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ku kororsadeen xilligooda shaqo laba toddobaad ka hor ayaa soo kordhaya, iyadoo xubno ka tirsan baarlamaanka ay ku adkeysanayaan in go'aankoodu uu yahay mid ay ku saxan yihiin oo sharciga dalka waafaqsan.

Maxamed Dheere ayaa ugu dambeyn ku taliyay in xilli kordhinta baarlamaanka ay kawada tashadaan madaxda dowladda sida: madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka oo kala hoggaamiyaha hay'adaha dowladda, ayna ka gaaraan go'aan mideysan xilliga lagu kordhinayo waqtiga baarlamaanka.

Guddoomiyhii hore ee gobolka Banaadir oo sidoo kale ka hadlay eedeymaha beesha calaamka ee ku aaddan xilli kororsiga xildhibaannada baarlamaanka iyo jawaabaha ay bixinayaan xildhibaannada ayaa sheegay inaysan isku miisaan ahayn.

Maxamed dheere ayaa xildhibaannada kula taliyay inay tixgeliyaan cabashada ka imaanaysa beesha caalamka maadaama ay dhaqaale ka helaan, waxaana hadallada kasoo baxaya qaar ka mid ah xildhibaannada loo arki karaa buu yiri kuwo qar-iska-xoornimo ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya