Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku goodiyay in xukuumaddu ay dib ula wareegi doonto dalka oo dhan

Sabti, 12 Feberaayo, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa ku goodiyay in xukuumaddiisu ay qaadayso dagaallo ay dib ugu qabsanayso magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka oo ay ka taliso Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

Mudane Farmaajo ayaa hadalkan sheegay kaddib markii uu shalay oo Jimco ahayd uu booqasho aan la shaacin ugu tagay ciidammada DKMG ee ku sugan degmooyinka ay dowladda iyo Xarrakatul Shabaab isku hor-fadhiyaan.

"Dhawaan waxaan ku dhawaaqaynaa qaabka ay dowladdu ku doonayso inay dib ugu qabsato degmooyinka ay Muqdisho ay kaga sugan yihiin kooxaha naga soo horjeeda iyo gobollada kale ee dalka," ayuu si kooban u yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa intii aysan helin codka baarlamaanka waxay sheegtay inay dalka oo dhan ammaankiisa kusoo celinayso muddo 100-maalmood, iyadoo muddadaas ay dhammaad ku dhow dahay iyadoo aysan xukuumaddu wax tallaabo ah qaadin.

"Ciidammada DKMG ah waxay si joogto ah u heli doonaan xuquuqdooda, taasoo dhiirrigelin noqonaysa mid ciidammada qalabka sida ku dhiirrigelinaysa inay dagaal kaga hortagaan xoogagga kooxaha diidan dowladda," ayuu yiri mar kale yiri mudane Farmaajo.

Xarrakatul Shabaab ayaa inta badan dalka iyo magaalada Muqdisho ka talisa iyadoo xukuumaddu ay kaga sugan tahay Muqdisho degmooyin kooban oo ay intooda badan ay ka dhacaan qalalaase u dhexeeya ciidammada iyo weerarro ka dhan ah dowladda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya