Kenya oo wafdi u dirtay gobolka xeebta, una hanjabtay Alshabaab, kadib markii ay kordheen afduubyada (WARBIXIN)

Isniin, October 03, 2011(HOL) Nairobi, Kenya- Iyadoo ay soo badanayaan falalka afduubka ah, oo ay dawladda Kenya ku eedaysay xarakada Alshabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya inay ay ku lug leedahay ayaa ammaanka gobolka xeebta sare loo qaaday.

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka dalxiiska ee Kenya Najiib Balala iyo taliyaha ciidamada booliska Mathew Iteere  ayaa maanta gaaray gobolkaasi xilli ay ciidamada ammaanku baadi goob ugu jiraan soo helidda haweenay faransiis ah oo maalintii shalay ahayd laga afduubtay magaalada  Lamu ee loo dalxiiska tago.

Sidoo kalana wasiirka amniga gudaha George Saitoti ayaa la filayaa inuu gaaro magaalada Lamu si uu u soo kormeero xaaladda ka jirta deegaanadaas ay dhibaatadu ka taagantahay.

Cabasho

Magaalada Lamu oo ay ka dheceen falal is xig-xigay oo isugu jira dil iyo afduub ayaa dawladda Kenya ay u dirtay cutubyo ka tirsan ciidamada badda iyo kuwa lugta.

qaar kamid ah dadka magaalada Lamu ku haysta hotelada lagu tamashleeyo ayaa dhigay dibadbaxyo ay kaga cabanayaan fal dambiyeedyada soo kordhaya, iyagoo dawladda Kenya ku eedeeyay inay gacmaha ka laabanayso wax ka qabashada falalkaasi.

Bil kahor ayay ahayd markii magaaladaasi lagu dilay nin u dhashay Britain, kadibna la afduubtay haweenaydiisii oo aan la ilaa iyo hadda la aqoonin halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Hanjabaad

Wasiirka amuuraha dibadda ee Kenya oo ka hadlay afduubyada ka dhacay magaalada Lamu ayaa isna ku hanjabay inaysan dawladiisu indhaha ka laaban doonin falalkaasi  oo uu sheegay inay ka dambeeyeen xarakada Alshabaab.

Wetangula wuxuu sheegay in Alshabaab ay weerar ku hayso muwaadiniinta Kenya iyo waliba dalxiisayaasha ajnabiga ah ee imaanaya dalka.

Alshabaab ayaa horay ugu hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan wadamada Afrikaanka ah ee taageerada siiya DKMG ah ee Soomaaliya, Alshabaab waxay Kenya ku eedaysay inay dabada ka riixayso ciidamada dawladda ee ka dagaallamaya gobollada Jubooyinka iyo Gedo, gaar ahaanna deegaanada ku yaal xadka ee ay Dhoobley ka mid tahay.

 
Dalxiiska Kenya oo khatar ku jira

Kenya oo ah waddan uu dhaqaalihiisu soo korayo, waxaa ay ku tiirsantahay lacagta adag ee kasoo gasha dalxiiska oo gaaraysa malaayiin dollar , waxaana ay lacagtaasi kasoo gashaa gobolka xeebta ee ay Mombasa xarunta u tahay, halkaas oo ay bil kasta tagaan ugu yaraan 25,000 oo ah dalxiisayaal ajnabi ah.

Falalkii ugu dambeeyay waxay keeneen in qaar kamid ah wadamada reer galbeedku ay muwaadiniintooda uga digaan u safridda Kenya oo ay sheegeen inay khatari soo food saari karto.

Arrintaasi waxay walaac ku dhalisay xukuumadda Kenya oo haatan dadaal ugu jirta inay soo celiso kalsoonidii lagu qabay ciidamada ammaanka.

Kenya kuma eedaynin oo kaliya xarakada Alshabaab falalkii dhacay, balse waxay kaloo ku eedaysay burcad badeeda Soomaalida inay wax ka ogaayeen falalka afduubka ah, taasoo muujinaysa in dawladda Kenya aysan si toos ah u qeexi karin cidda sida rasmiga ah ugu dambaysa falalkan.


Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya

More News