Soomalida ku nool Kuwait oo Bukaano iyo Barakacayaal ku sugan Muqdisho gaarsiisay Deeqo isugu jira Raashin iyo Lacago

Isniin, Oktoobar 03, 2011 (HOL) —Safiirkii Soomaaliya ee dalka Liibiy Cabdiqani Maxamed Waceys , Cabdalle Cawad  Saalax , Sheekh Maxamuud Sheekh Baarici oo ka mid ahaa jaaliyada dalka kuwait ayaa deeqdan ka timid Soomaalida ku nool dalka Kuwait si wadajir ah u gaarsiiyay qoysas barakayaal ah iyo bukaanno ku jira isbitaallada  Muqdisho.

Bukaannada deeqda la gaarsiiyay ayaa waxay ku jiraan isbitaalka Madiina, kuwaasoo ah kuwo la il-daran xanuunno kala duwan oo qaarkood ay sababeen madaafiic iyo rasaas ku dhacday, halka qaarka kalena ay yihiin kuwo ay soo riteen cudurro ayaa ka gaarsiiyay deeq lacageed ka timid jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kuwait, waxaana midkiiba la siiyay 300,000 oo shilling Somali ah.

Kaalmadaan lacageed ayaa meel marinteeda loosoo wakiishay safiirkii Soomaaliya ee dalka Libya, Cabdiqani Wacays iyadoo ay iska soo ururiyeen qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaliyeed ee dalka Kuwait.

Sidoo kale, deeqda raashinka ah ayaa la gaarsiiyay qoysas barakacayaal ah kuwaasoo buushash ka sameystay agagaarka garoonka diyaradaha ee Muqdisho, iyadoo qoyskiiba la gudoonsiiyay raashin ceeriin oo kala ahayd kiish bariis ah, kiish bur ah iyo caag saliid ah.

Qaar ka mid ah dadkii deeqdaas la gaarsiiyay ayaa waxay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin deeqdan ugu timid walaalahooda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kuwait kuwaasoo wakiishay C/qani Wacays.

Xilligan waxaa muuqanaysa in dad ka muxsiniinta ah ee ku nool dalka dibaddiisa ay wadaan dadaallo kala duwan oo wax lagu gaarsiinayo walaalaha Soomaaliyeed ee ku tabaaleysan gudaha dalka.

Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli ay wali jirto saameyntii ay reebtay abaartii ku dhufutay dalka Soomaaliya iyo dagaallada aan dhammaadka lahayn taasoo waxyeello kala duwan geysatay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News