Wasiirkii hore ee Hawlaha guud ee Somaliland oo iska fogeeyey Eedo musuqmaasuq oo lagu eedeeyey

Axad, October 03, 2011 (HOL)-Wasiirkii hore ee wasaarada Hawlaha Guud Siciid Sulub Maxamed, ayaa  ka jawaabay eedo calculus oo uu dhowaan Madaxweynaha Somaliland ku eedeeyey  wasiiro ka tirsan xukuumadii hore ee Daahir Rayaale.

Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Siciid Sulub Maxamed oo imika ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda  Siyaasada Xukuumada Axmed Siilaanyo, isla markaana ka mid ah masuuliyiinta xisbiga UDUB ayaa dhan iskaga leexiyey eed uu madaxweynuhu usoo jeediyey, taas oo ahayd inay masuqmaasuq badan ku kaceen intii ay wasiirka ahaayeen..

Siciid Sulub Maxamed oo maanta shirjaraa’id ku qabtay Huteelka Crown ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa hadalkiisii ka mid ahaa “ waxaad tahay madaxweynihii qaranka eeda iyo xukunku waa kala jaad” isagoo hadalka sii wata wuxuu yidhi “namaad odhan waa eedeysaneyaal oo musuqmaasuq iyo hanti ummadeed ayaa lagu eedeynayaa waad na xukuntay oo waxaad na tidhi waxaas ayay sameeyeen waanan saamaxnay”ayuu yidhi isagoo Madaxweynaha la garnaqsanaya .
 
Wasiirkii hore ee hawlaha Guud Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay in aanu jirin wax xukun ah oo lagu xukumay iyo wax masuqmaasuq ah oo lagu helay, sidaa darteedna, madaxweyaha usoo jeediyey in la baadho Boobka uu madaxweynuhu ku eedeeyey.
 
“Caalamka meel laga ogyahay  ma jiro xukun nagu dhacay haddii laga tagi waayo 2008-dii ayaad bilowday wax baa la cunay ama wax baa la boobay markii aad ahayd Guddomiyaha Xisbiga KULMIYE, markii muddo kordhiska loo sameeyay xukuumadii Rayaale waxaanan moodaynay inaad kursiga nagaga kacsanayso,”ayuu yidhi Siciid Sulub Maxamed.
 
Siciid Sulub waxa uu Madaxweynaha ka dalbaday in la soo baadho intii ay xilka hayeen inuu jiro musuqmaasuq ay ku kaceen, waxaanu Madaxweynaha usoo jeediyey inuu dulqaad la yimaado sidii madaxweyneyaashii hore ee Somaliland soo maray.
 
Jawaabtan ayaa waxa ay daba socotay shirjaraa’id oo uu madaxweynuhu dhowaan qabtay, isla markaana wasiiro ka tirsan xukuumadii hore ee Madaxweyne Daahir Rayaale ku eedeeyey inay galeen boob hanti dadweyne, kaas oo uu dar ilaahay iskaga saamaxay, ka dib markii uu danta guud iyo isku soo dhowaanshaha shacbaka eegay waa sida uu madaxweynuhu sheegaye.
 
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland

More News