Isniin, Oktoobar 03, 2011 (HOL) — Xildhibaan, Bashiir Cadooye Cilmi Liibaan oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka Puntland iyo dhaqtarad ka tirsanayd hay’adda cilmi-baarista Puntland ee PDRC oo lagu magacaabi jiray Maryan Maxamed Cabdulle ayaa ku dhintay shil gaari oo gallinkii dambe ee maanta ka dhacay duleedka degmada Garoowe ee xarunta Puntland.
Shilkan oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Salaxley oo dhinaca koonfureed kaga beegan Garoowe qiyaastii 30-km ayaa waxaa ku dhaawacmay afar qof oo kale, kuwaasoo ay ku jiraan darawalkii gaariga iyo sarkaal ka tirsan hay’adda PDRC.
“Maydadka iyo dhaawacyada gadiidka gurmadka deg-degga ah ee Garoowe ayaa kasoo qaaday halkii uu shilku ka dhacay, laba ka mid ah dhaawacyada oo midkood uu ka tirsan yahay PDRC xalaaddooda aad ayay khatar u tahay,” ayay warbaahinta u sheegeen howl-wadeennada isbitaalka guud ee Garoowe.
Saraakiil, ciidamo iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa tagay halkii uu shilku ka dhacay, waxayna qaarkood sheegeen in shilku uu ahaa mid aad u fool xun, gaarigii ay xubnahan wateen uuna burburay, balse lama sheegin halka ay mas’uuliyiinta dhintay iyo dhaawucu gaaray u socdeen.
Goobjoogayaal ku sugnaa deegaanka uu shilku ka dhacay ayaa iyaguna sheegay in gaarigu uu dhowr jeer rogmaday, waxaana ay sidoo kale xuseen in gaariga uu xowli ku socday intii uusan gadoomin ka hor, iyadoo xildhibaanka dhintay uu noqonayo kii labaad oo shil gaari ku dhintay sannadkan.
Hay’adaha caafimaadka ee Puntland ayaa qaarkood waxay sheegeen in shilalka ay aad ugu soo bateen deegaannada Puntland, iyagoo xusay in waddooyinka oo burbursan ay sabab u yihiin rogmashada gaadiidka sidoo kalena ay sannad walba boqolaal qof ku dhintaan shilalka ka dhaca Puntland.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya