Madaxweyne Sheekh Shariif oo sheegay in dowladda KMG ay bilaabayso howlgallo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab

Isniin, Oktoobar 03, 2011 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inay billaabayaan weerarro ka dhan ah Xarakada Al-shabaab, isagoo sheegay in qorshahan uu yahay mid ay dowladdu ku doonayso in gargaarka bani'aadamnimo ay ku gaarsiiso gaarsiiyo dadka ku sugan goobaha ay ka taliso Al-shabaab.

Sheekh Shariif ayaa hadalka ka sheegay xeryo ay ku jiraan ciidamada DFKMg ah iyo kuwa AMISOM oo shalay uu booqasho kaddis ah ku tagay, isagoo xusay in howlaha u yaalla dowladda ay yihiin kuwo badan waqtigana uu ku yar yahay.

"Waxaa na horyaalla waajibaad waaweyn oo ah in la dhameystiro howlihii soo celinta amniga iyo waajib kale oo ah dhismaha ciidamada, mana doonayno inaan waqti badan luminno, waayo waqtiga dowladda loo xadiday waa mid kooban oo laga doonayo inay howlo badan ku qabato," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynuhu wuxuu si cad u sheegay in dowladda KMG ay bilaabayso howlgallo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab si ay uga saaraan guud ahaan dalka oo dhan, wuxuuna xusay in waqtiga u harsan ay ku dhameystiri doonaan howlaha oo dhan.

"Hubka faraha badan ee magaalada dhex-yaacaya, wuxuu dhibaato ku yahay amniga iyo habsami u socodka gargaarka bani'aadamnimo, mana doonayno inaan khasaarinno dhiiggii saraakiisheenna ee u dhintay dalka iyo dadka," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in ciidamada dowaldda KMG ah iyo kuwa AMISOM laga doonayo inay dajiyaan qorshe lagu hananayo ammaanka guud ee Muqdisho, kaddib markii ay ka baxeen Xarakada Al-shabaab horraantii bishii Ogoosto ee sannadkan.

Booqashada madaxweynuhu uu ku tagay shalay xeryaha ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM ayaa waxay qayb ka yihiin socdaallo uu todobaadyadii dambe ku tagayay degmooyinkii ay Xarakada Al-shabaab isaga baxday ee Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News