Maleeshiyo beeleed ku dagaallamay myiga gobolka Kar-kaar ee Puntland oo loogu baaqay inay xabadda joojiyaan

Isniin, Oktoobar 03, 2011 (HOL) —Odayaal iyo waxgarad ka socda Puntland ayaa u anbabaxay maanta deegaanka Gubab oo shalay galinkii danbe uu ka dhacay dagaal aad u xoog badan oo dhex-maray labo beelood oo walaalo ,kuwaasi oo iska dilay tiro dad ah intii dagaalkooda uu socday shalay.

Tirada dhimashada ayaa la sheegay in ay tahay sideed ruux ,kuwaasi oo ka kala tirsan dhinacyadii diriray ,waxaana colaadda labadan beelood ka dhaxaysa ay soo bilaabatay horaantii bishii hore ,iyadoo khilaafkooda uu ku salaysanyahay dhul-daaqsimeed halkaasi ku yaalla.

"Dagaalka si kadis ah ayuu ku bilowday ,laakiin waxaa la rajaynayaa in

la kala dhex-galo labada maleeshiyo beelood," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Rako ee gobolka Kar-kaar oo la hadlay warbaahinta, waxaana goobta uu dagaalka ka dhacay ay qiyaastii 20-km dhinaca koonfur ka xigtaa degmada Rako.

Sidoo kale masuulkan ayaa sheegay in tiro dhaawacyo ah oo gaaraya sagaal ruux la soo gaarsiiyay degmadooda ,isla markaana ay u soo gudbiyeen dhinaca Bosaaso ,maadaama halkaasi aan xaaladooda caafimaad waxba looga qabin karin.

"Waxaa markasta suurtagal ah in dagaal uu qarxo ,waayo wali si rasmi ah labada dhinac heshiis umaysan wada gaarin "ayuu hadalkiisa ku daray ,isagoo sheegay in xaaladda saaka ay tahay mid xasiloon ,waxaana uu ku baaqay in arinta lagu dhameeyo nabad iyo is-afgarad.

Ergada loo diray labada maleeshiyo in ay kala dhex-galaan ayaa u badan beelaha Cali Saleebaan iyo Ugaar Saleebaan ,kuwaasi oo ay dirirtu ka dhaxayso,waxaana lagu wadaa in xabad joojin la kala dhex-dhigo labada dhinac si khasaaraha dagaalka loo yareeyo.

Colaadaha noocaan oo kale ah ayaa sanadahan danbe ku soo kordhayay meelo kamid ah deegaanada Puntland ,waxaase inta badan xalinteeda loo daayaa odayaasha dhaqanka oo la aaminsayahay in ay uga fara-dhuu-dhuubanyihiin dowladda,waxaana isa soo taraya baaqyada lagu doonayo in dagaalka lagu hakiyo.

Faysal Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Soomaaliya

More News