Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia oo booqasho mahadcelin ah ku tagay safaaradda dalka Turkiga ee Magaalada Melbourne

Isniin, Oktoobar 03, 2011 (HOL) — Xubno isugu jira rag iyo dumar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa booqasho mahadcelin ah ku tagay safaaraddda dalka Turkiga uu ku leeyahya Melbourne. Booqashadan ayaa salka ku haysay safarkii taariikhiga ahaa uu ra’iisul wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ku tagay Muqdisho bishii Ogoosto ee sannadkan.

Waxaa Soomaalida si diiran oo dareen walaaltinimo iyo islaanimo ku dheehan tahay u qaabilay kuna soo dhaweeyey qaar kamid ah madadax safaaradda Turkiga ee Malbourne sida qunsulka guud, Aydin Nurhan iyo ku xigeenkiisa Vahit Ozdemir.

Qunsulku Turkigu wuxuu sheegay in jaaliyadda Turkiga ee Australia ku nool ay u aruuriyeen walaalahood Soomaaliyeed $320,000, taasoo loogu talogalay in lagu caawiyo shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameynta xooggan ku yeesheen. 

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia waxay dhankooda uga mahad-celiyeen kuna amaaneen waxqabadka iyo mowqifka walaaltinimo ee ay walaalahooda Turkigu ka qaateen u gargaaridda walaalahooda Soomaaliyeed waqtigii ay ugu baahida badnaayeey.

Xubnihii halkaa mahadcelin ka jeediyay waxaa ka mid ahaa Dr Yusuf Sheekh Cumar iyo Khaalid Maxamed Gaabane oo tilmaamay in abaalka ay dowladda Turkiga u gashay Soomaaliya uu yahay abaal aan aan la gudi karin.

Ugu dambeyn, waxay jaaliyaddu guddoonsiiyeen safaaradda ubax (fiyoore), shahaado sharaf, billaddii Soomaaliya iyo alaab kale oo ka tarjamaysay dhaqanka Soomaaliyeed.

Qunsulku wuxuu ballanqaaday inuu gaarsiinayo mahadcelinta Soomaalida ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga Erdogan iyo xukuumaddiisa. Iyadoo ugu dambeyn la isla gorfeeyeen sidii loo sii xoojin lahaa xiriika labada jaaliyadooda Soomaalida iyo Turkiga ku nool dalka Australia. 

Maxamed Weli
[email protected]
Perth-Western, Australia

More News