
Isniin, Oktoobar 03, 2011 (HOL) —Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa dagaal kooban kaddib la wareegtay gacan ku haynta degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galguduud, halkaasoo ay gacanta ku hayeen xoogag taabacsan ururka Ahlusunna Waljamaaca.
Goobjoogayaal ku suganaa degmada Dhuusomareeb xilligii uu dagaalku socday ayaa u sheegay HOL in dagaalku uu si kaddis ah ku billowday 4:30 galabnimo ee maanta, ayna ciidamada Xarakada Al-shabaab si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta degmadaas.
“Dagaalku wuxuu ku billowday weerar ay soo qaadeen ciidamada Al-shabaab oo degmada kasoo weeraray dhinaca iyaga ayaana hadda gacanta ku haya,” ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Dhuusomareeb, wuxuuna goobjooguhu sheegay in qoysaskii ku sugnaa degmada ay billaabeen inay ka barakacaan.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, inkastoo dhinacyadu ay isku adeegadeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo ciidamadii Ahlusunna ee ku sugnaa degmada ay uga baxeen dhinaca degmada Guriceel.
Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa HOL u xaqiijiyay inay iyagu gacanta ku hayaan degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud, waxayse sheegeen inay dib kasoo sheegi doonaan khasaaraha ka dhashay dagaalka.
Mas’uuliyiinta Ahlusunna ayaan ka hadlin dagaalka looga qabsaday degmada Dhuusomareeb, inkastoo aysan ahayn markii ugu horreeyay oo ay Xarakada Al-shabaab ka qabsato degmadaas Ahlusunna, iyadoo markii ugu dambeysay oo ay qabsadaan ay ahayd horraantii sannadkan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya