Guddiga gurmadka abaaraha ee Jaamacadda Muqdisho oo in ka badan 500 qoys gargaar ugu qaybiyay Magaalada Muqdisho


Isniin, Oktoobar 03, 2011 (HOL) — Guddiga gurmadka abaaraha ee Jaamacadda Muqdisho ayaa maanta gargaar raashin ah gaarsiiyay in ka badan 500-qoys oo ka mid ah dadkii abaaraha kusoo barakacay, waxaana deeqdan ay ka timid muslimiin Soomaaliyeed oo ku nool dalalka Norway, Sweden iyo Biljamka.

Deeqdan oo ahayd raashin qalalan ayaa isugu jirtay bariise, saliid, timir, buskut, caano iyo boorash, iyadoo qoysaska loo qaybiyay ay ku sugnaayeen iskuuulka Maxamuud Mire ee degmada Xamarjajab, iyadoo qoysaska ay ku jireen dad aad u daran.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga gurmadka abaaraha ee Jaamacadda Muqdisho, ahna hormuudka kulliyadda waxbarashada ee Jaamacadda, Dr. C/llaahi Abuukar Sheekh Xuseen ayaa sheegtay in deeqdan ay  ka timid xarunta iskaashiga Islaamka ee Norway, mujtamaca masjidka Guttenberg ee dalka Sweden iyo qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Beljimka.

“Waxaan u mahadcelinaynaa muslimiinta gacanta ka geysatay kaalmada loo qaybiyay dadkan dhibaateysan,” ayuu yiri Dr. C/llaahi Abuukar oo sheegay inaysan ahayn markii ugu horreysay oo ay xarunta Norway, masjidka Guttenberg iyo Soomaalida Biljamka, balse dhowr jeer ayay ka qaybqaateen sidii kaalmo lagu siin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.


Bixinta deeqdan, ayaa waxaa si mutadawacnimo ah uga qaybqaatay ardayda Jaamacadda Muqdisho iyadoo dadkii loo qaybiyay deeqda ee masaakiinta ahaa ay aad uga mahadceliyeen deeqda lasoo gaarsiiyay.

Mid ka mid ah dadkii deeqda ka faa’iideystay ayaa ka mahadceliyay isagoo sheegay in deeqdan ay kusoo aaday xilli ay baahi weyn u qabeen, isagoo sheegay inay dhowr jeer oo hore ka heleen gargaar guddiga gurmadka abaaraha ee Jaamacadda Muqdisho.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News