
Isniin, Oktoobar 03, 2011 (HOL) —Dagaal culus oo caawa fiidkii ka billowday degmad Dhuuosmareeb ee gobolka Galguduud ayaa u suurogeliyay ururka Ahlusunna Waljamaaca inay dib u qabsadaan degmadaas, iyadoo xoogaggii Xarakada Al-shabaab ee maanta la wareegay degmadaas ay dib ugu laabteen goobihii ay markii hore kasoo duuleen.
Wararka laga helayo xarunta gobolka Galguduud ayaa xaqiijinaya inay dagaalladii maanta dhacay ku dhinteen sideed qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah, iyadoo tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkan uu dhaliyay maadaama uu socday saacado.
“Dagaalku wuxuu ka dhacay gudaha iyo daafaha degmada, lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay, balse waxaan kuu xaqiijin karaa in degmada ay dib ula wareegeen ciidamadii Ahlusunna ee markii hore laga qabsaday,” ayuu yiri goob-jooge ku sugan degmada Dhuusomareeb.
Goobjoogahan ayaa sheegay in ciidamada dagaalka soo qaaday ee Ahlusunna ay ka yimaadeen dhowr degmo oo ka tirsan gobolka Galguduud. Sidoo kale guddoomiyaha degmada Guriceel ee maamulka Ahluusnna, Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed) ayaa isaguna warbaahinta qaarkeed u sheegay inay iyagu dib ula wareegeen degmada Dhuusomareeb, kaddib markii gallabta laga qabsaday.
Dadweynihii ku haray degmada ayaa la sheegay inay billaabeen inay dibadaha uga soo baxaan guryahooda si ay u raadiyaan ehelladooda, ayna u ogaadaan khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay degmadooda.
Isbitaalka degmada Guriceel ayaa la sheegay in la gaarsiiyay dhaawacyada dhowr ruux oo dagaalka ku dhaawacmay, kuwaasoo isugu jiray dad shacab ah iyo ciidamadii Ahlusunna, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo dhinacyadan ay xilli habeen ah ku dagaalamaan gudaha gobolka Galguduud.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Xarakada Al-shabaab ay la wareegto gacan ku haynta degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud, iyagoo dhowrkii jeer ee hore isaga ka baxay degmada markii ay dagaallo dhaceen, halka marar kalena ay ka baxeen iyadoo aysan wax dagaallo ah dhicin.
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya