Arbaco, Abriil 27, 2011 (HOL) – Xildhibaanno kasoo jeeda gobolka Galguduud oo kulammo ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay soo saareen in khilaafyada ka dhaca deegaannada gobolkaas lagu xalliyo si waafaqsan shareecada Islaamka.
Mudane Ibraahim Sheekh Cali (Jeebbo) oo ka hadlay shir jaraa'id oo ay xubnahan qabteen maanta ayaa sheegay in kulammadooda ay ahaayeen kuwo ay inta badan uga hadleen khilaafyo dhowr jeer oo soo laalaabtay oo u dhexeeyay beesha ay kasoo jeedaan ee Wacaysle.
"Shir muddo bil ah nooga socday Muqdisho ayaa waxaan kasoo saarnay qodobbo ay ka mid ahaayeen: in lagu xalliyo khliaafaadka si waafaqsan shareecada Islaamka, in la isla dago dhamaan dhulka ay beeshu degto iyo in beelaha ay dariska wanaag kula noolaato beelaha ay jiiraanka yihiin," ayuu yiri xidhibaan Cali Cumar Garabey oo ka mid ah xubnihii kulanka ka hadlay.
Qodobbada ay xildhibaannadan soo saareen ayaa waxaa ka mid ah: in sameynta maamul goboleedyada tixgelin gaar ah la siiyo, iyadoo la raacayo talooyinkii laga soo saaray dibadda dalka iyo maamullladii gudaha looga dhawaaqay.
Mudanayaashan ayaa sheegay inay doonayaan in wax walba oo khilaafaad ah lagu xalliyo diinta Islaamka, ayna taas udub dhexaad u tahay shirarkii u socday muddada bisha ah Muqdisho, waxayna sheegeen inay rajeynayaan go'aannadaas ay noqdaan kuwo dhaqan-gala.
Xubnaha saxiixay qodobbada kasoo baxay shirka muddada bisha ah ka socday Muqdisho ayaa waxaa ka mid ahaa: xidhibaan Cali Geeddi Shadoor, xidhibaan Cali Cumar Geeddi (Garabey), xildibaan Ibraahim Sheekh Cali Jeebbo, xildhibaan Yuusuf Xayle Jimcaale iyo xildhibaan Daahir Maxamuud Geelle.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya