Arbaco, Abriil 27, 2011 (HOL) – Waxaa maanta inta badan magaalada Beledweyne ka bixin gadiidkii xoolaha u qaadi jiray gobollada Waqooyi-bari ee dalka Soomaaliya, kadib markii sida ay sheegeen ay awoodi waayeen lacago faro badan ah faro badan oo ay ku soo rogeen ciidamada DKMG ee fadhigoodu yahay deegaannka Kala-bery.
Gadiidkan qaarkood ayaa maanta lagu arkayay duleedka magaalada Beledweyne iyaga oo wada Xoolihii ay u qaadi lahaayeen gobollada Waqooyi-bari, waxaana qaarkood oo u warmay HOL ay sheegeen in ay awoodi waayeen lacagaha ay ku soo rogeen ciidamada DKMG.
'''Dhibatada ugu weyn ee na heysta waa in aynu awoodin lacagaha nagala qaadayo, waayo xitaa shidaalka iskama bixin karno, ayuu yiri,'' mid ka mid ah wadayaasha gadiidka maanta ka baaqday safarkii ay ku tagi lahaayeen goballada Waqooyi bari..
Magaalada Beledweyne ayaa ah magaalo istiraatiji ah marka loo eego dhinaca ganacsiga, gaar ahaan marka la eego dhinaca xoolaha, waana magaalo saldhig u ah ka ganacsiga xoolaha, iyada oo maalintii ay ka baxaan gadiid u sida goballada W/qooyi bari xoolaha loo dhoofiyo wadamada carabta.
Inkastoo maanta ay jiraan gadiid aad u badan oo ka baaqaday safarkii ay maalin walba ku tagi jireen goballada W/qooyi ayaa hadda dhinaca kale waxaa jira gadiid faro ku tiris ah oo maanta ka anba baxay magaalada, kuwaasoo sida la sheegay iska bixiyay lacagaha ay ka cabanayaan gadiidka maanta ka baaqday safarka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya
Gadiidkii xoolaha nool u qaadi jiray Gobollada Waqooyi-bari ee Soomaaliya oo ku xayiran magaalada Beledweyne
More News
- Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal galabta Gaalkacyo ka dhacay iyo khasaare dagaalka ka dhashay
- Faahfaahin kasoo baxaysa dagaal saakay ciidamada DKMG ah iyo Xarrakatul Shabaab ku dhexmaray Gobolka Gedo
- Xildhibaanno ku baaqay in si waafaqsan shareecada islaamka lagu xalliyo khilaaf walba oo dhaca
- Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay kudlad cusub
- Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Kuwait (SAWIRRO)
- Maamulka gobolka Mudug ee Puntland oo ka digay dilal qorshaysan oo magaalada Gaalkacyo laga gaysto
- Dhismaha Qunsuliyadda Soomaalida ee Cadan oo berri ay go'aan ka gaari doonto maxkamadda sare ee Yemen
- Maamulka Somaliland oo doonaya inay isticmaalka Shillin Soomaaliga ka joojiyaan deegaannada maamulaan
- Xildhibaannada baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo shirar iska soo horjeeda ku yeeshay Magaalada Muqdisho
- Qarax ka dhacay duleedka degmada Luuq oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah
- Madaxda iyo Waxgaradka Gobalka Togdheer oo si wadajir uga hadlay xaaladda abaareed ee gobolkaas ka jirta
- Dagaal u dhexeeya ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xarrakatul Shabaab oo saakay ka qarxay gobolka Gedo
- Golaha Wasiirrada Xukuumadda KMG ee Soomaaliya oo go'aanno kasoo saartay shir ay ku yeesheen Muqdisho