Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Kuwait (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 27, 2011 (HOL) Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubno ka tirsan xukuumaddiisa ayaa shalay tagay dalka Kuwait, halkaasoo ay uga billaabanayso safar shaqo oo ka mid ah safarro dhowr ah oo uu ku marayo dalalka Carabta qaarkood.

Xubnaha safarka ku wehliya ayaa waxaa ka mid ah: wasiirka arrimaha dibadda SL Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, madaxa golaha wasiirrada Somaliland Xirsi Cali X. Xasan, xaaska madaxweynaha Aamina Sheekh Maxamed, afhayeenka madaxtooyada C/llaahi Maxamed Daahir iyo xoghayaha gaarka ah ee madaxtooyada Cali Axmed Cali.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in wafdiga Madaxweyne Siilaanyo ay martiqaad rasmi ah ka heleen dowladda dalka Kuwait, kaddib markii uu dhameystay safar maalmo qaatay oo uu ku tagay Isu-tagga Imaaraadka Carabta.


Madaxweyne Siilaanyo iyo wafdigiisa ayaa waxaa magaalada Kuwait kusoo dhaweeyay madax sare oo ka tirsan dalkaas, waxaana isla xalay la dajiyay hotel ku yaalla magaalada Kuwait.

Maanta ayaa lagu wadaa in wafdiga madaxweyaha Somaliland ay kulammo la yeeshaan xubno uu ku jiro amiirka dalka Kuwait Sheekh Sabah Al-Ahmed Al-Sabah iyagoo kawada hadli doona xiriirka u dhexeeya Somaliland iyo dalka Kuwait.

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uu ku tago dalalka Carabta tan iyo markii uu xilka uu la wareegay sannadkii hore, waana dalkii labaad oo uu booqdo isagoo horay booqasho ugu tagay dalka Imaaraadka Carabta.







Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland