Arbaco, Abriil 27, 2011 (HOL) – Maxkamadda sare ee dalka Yemen ayaa lagu wadaa inay Khamiista berri ah go'aan kama dambeys ah ka gaarto lahaanshaha dhismaha qunsuliyadda Soomaaliya ee magaalada Cadan, kaddib dacwado socday 11-sano oo xiriir ah.
Dacwadda ku saabsan lahaanshaha dhismaha qusuliyada oo soo martay heer kala duwan ayaa waxay u dhexeyaa madaxdii Soomaaliya ee qusuliyaddii Koonfurta Yemen iyo caruur uu dhalay ninkii dhismahaas laga iibsaday 1971-kii, waxaana dacwaddu ay bilaabatay markii uu ninkaas geeriyooday.
"Waxaa lagu wadaa in maalinta berri ah ay maxakamadda sare ee Yemen go'aan kama dambeys ah ka gaarto lahaanshaha dhismaha qunsuliyadda Soomaalida ee magaalada Cadan, oo dacwadiisu ay socotay muddo 11-sano ah," ayuu yiri qusulka Soomaalida u fadhiya magaalada Cadan, Xuseen Xaaji Axmed oo wareysi siiyay idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga.
"Dacwadu waxay kasoo bilaabatay maxkamada darajada hoose ee Cadan, waxayna u xukmisay dadka doodda nagula jira, balse rafcaan ayaan ka qaadanay waxaana u gudubnay maxkamada heerka gobolka waxayna laashay xukunkii hore, taasoo keentay in dacwaddu ay u gudubto maxkamadda sare," ayuu yiri Xuseen Xaaji.
Sidoo kale, Xuseen wuxuu sheegay 110-fadhi ay soo martay dacwadda ku saabsan lahaanshaha dhismaha qunsuliyadda Soomaalida ayna soo gaartay heerkii ugu dambeeyay, isagoo xusay inay muddadii ay socotay ay isdabari jireen, balse aysan hadda hayn xitaa lacag ay siiyaan qareenka u doodaya Soomaaliya.
"Dowladihii dalka soo maray ma jirto dowlad hal riyaal ku bixisay dacwadda, balse hadda waxaan codsanaynaa in dowladda jirta iyo shacabka Soomaaliyeed ay gacan ka geystaan sidii loo badbaadin lahaa dhismaha qunsuliyadda Soomaalida ee Cadan," ayuu yiri Xuseen Xaaji.
Go'aanka ay berri ka gaarto maxkamadda Cadan lahaanshaha dhismahaas oo noqon doona mid aan laga daba-hadli kerin ayaa la-wada dhowrayaa, iyadoo dadka ku doodaya inay dhismaha leeyihiin ay ku bixinayaan sidii loogu xukumi lahaa lacag fara badan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya