Arbaco, Abriil 27, 2011 (HOL) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay kaga dhawaaqeen kudlad ay ugu magacadareen 'Kudladda xildhibannada dhexdhexadka ah iyo badbaadinta Qaranka Soomaaliyeed'.
Mudanayaasha kulankan yeeshay ayaa waxay sheegeen in markii ay dareemeen khatarta ay ku jirto dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo khliaafka u dhexeeya ha'yadaha sare ee dowladda KMG ah ay go'aansadeen inay sameeyaan kudladdan.
"Xildhibaannada kudladdan sameeyay oo rag iyo dumar isugu jiray markii ay arkeen khilaafka iyo madmadowga soo dhexgalay hay'adaha dastuuriga ah ee dowladda KMG ah Soomaaliya ayay go'aansadeen inay sameeyaan kudladdan si ay meesha uga saaraan khilaafkaas," ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo saxaafadda la hadlay markii kudladda lagu dhawaaqay.
Mudane Dalxa ayaa intaas ku daray in khilaafka u dhexeeya hay'adaha DKMG ah uu saameyn ku yeeshay xildhibaannada baarlamaanka oo shirar iskasoo horjeeda ku kala qabanaya Muqdisho taasoo khatar ku ah buu yiri jiraanka DKMG ah, dalkana uu dib ugu laabto colaadihii uu kasoo gudbay.
"Waxaa waajib nagu ah inaan dadaal u galno sidii aan xal ugu heli lahayn muranka siyaasadeed ee u dhexeeya hay'adaha DKMG ah oo aanay xilliga wadashaqeyni u dhexeyn, sidoo kalena aan ka hortagno xilhdibaannada baarlamaanka ee shirarka ku yeelanaya Muqdish oo caado ka dhigtay inay sheegtaan aqlabiyadda baarlamaanka si ay fikirkooda ugu dabaqaan," ayuu yiri xildhibaan Dalxa.
Sidoo kale, mudane Dalxa wuxuu sheegay in kudladdan ay tahay mid dadaal u galaysa sidii ay uga badbaadin lahayd dalka inuu dowlad la'aan noqdo, iyagoo xal u raadinaya khilaafka u dhexeeya hay'adaha dowladda.
"Ilaalinta sharciga waa lagama maarmaan... waana midka lagu kala bixo... mas'uul walba waa inuu ku ekaado awoodda uu siinayo dastuurka... waana in madaxda dowladda ay ku saleeyaan hadalkooda iyo waxqabadkooda axdiga KMG ah," ayuu yiri mudane Dalxa oo ku hadlayay afka mudanayaashii kudladda ku dhawaaqay.
Kudladdan cusub ee looga dhawaaqay Muqdisho ayaa imaanaysa xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka iyo wadashaqeyn la'aanta dhinaca fikirka ah ee u dhexeysa hay'adaha dastuuriga ah ee dowladda Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya