Golaha Wasiirrada Xukuumadda KMG ee Soomaaliya oo go'aanno kasoo saartay shir ay ku yeesheen Muqdisho

Arbaco, Abriil 27, 2011 (HOL) Golaha wasiirrada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa shir ay Muqdisho shalay ku yeesheen Muqdisho uuna shir guddoominayay ra'iisul wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) waxay uga hadleen arrimaha ay ka mid yihiin amniga, abaaraha dalka ka jira iyo weliba marxaladda kala guurka ah.

Warsaxaafadeed shirkaas kaddib ay xukuumaddu soo saartay oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray xafiiska Hiiraan Onlie, ayaa waxaa lagu faahfaahiyay saddex qodob oo ay golaha wasiirradu isku raaceen intii uu kulankooda socday.

Qodobbada laga soo saaray shirkaas ayaa waxay kala ahaayeen:

1. In la dar-dargeliyo howlgallada lagu sugayo amniga dalka, isla markaana ay xukuumadda awooddeeda dhaqaale ay xoogga ku saarto sidii loo haqab-tiri lahaa baahida ciidanka dowladda KMG ah.

2. In dhammaan shacabka Soomaaliyeed loogu baaqo roob-doon bacdamaa ay roobabkii soo daaheen, isla markaana ay abaarihii baaheen oo ay saameeyeen dhammaan dalka oo dhan. Sidoo kale xukuumaddu waxay ugu baaqaysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay isku-tashtaan oo ay isu-gar-gaaraan xaaladdan adag ee soo wajahday dalka.

3. In Xukuumadda ay sii wado wadatashiyada ay la bilowday baarlamaanka ee ku aaddan qorshayaasha xukuumaddu u diyaarinayso dhameystirka howlaha qabyada ah ee uu Axdiga KMG ah na-farayo, si loo abuuro aragti mideysan ee ku aadan mustaqbalka Soomaaliya.

Golaha xukuumadda KMG ahaa horay u kororsaday muddo hal sano ah, iyadoo aanu weli baarlamaanku aqbalin muddo kororsigaas, waxaana shirarka golaha ay noqdeen kuwo si isdaba-joog ah uga socda Muqdisho tan iyo markii uu muranka siyaasadeed ee hay'adaha dowladda u dhexeeya billowday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya