Arbaco, Abriil 27, 2011 (HOL) – Bankiga dhexe ee Somaliland ayaa qorsheynaya inuu bisha May ee soo socota uu bedelo lacag dhan toddoba milyan oo Shillin Soomaali ah taasoo u dhiganta 4.37-milyan oo dollarka Mareykanka ah, taasoo qayb ka ah in isticmaalka lacagta shillin Soomaaliga ah laga joojiyo deegaannada ay Somaliland ka taliso oo dhan marka la gaaro bartamaha sannadkan.
"Waxaan diyaarinaynaa in lacagta Somaliland laga isticmaalo guud ahaan degmooyinka Somaliland," ayuu yiri guddoomiyaha bankiga dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa 24-kii bishan.
Guddoomiyaha bankiga dhexe ee Somaliland, wuxuu sheegay in lacagta shillin Soomaaliga ah oo dhan ay ka badalayaan cid walba oo haysata, taasoo uu sheegay inay horseed u noqonayso in laga joojiyo lacagta shillin Soomaaliga ah ee hadda laga istimcaalo Somaliland.
Lacagta Shillin Soomaaliga ah ayaa waxaa weli laga istimcaalaa gobolka Togdheer oo ka mid ah gobollada hoostaga maamulka Somaliland, kaasoo uu kasoo jeedo madaxweynaha hadda talada haya Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale sannadkii 1991-kii, kaddib markii la riday dowladdii kacaanka Soomaaliya oo uu madaxweyne ka ahaa Jen. Maxamed Siyaad Barre, balse weli ma aysan helin aqoonsi caalami ah.
Lacagta Somaliland hadda laga isticmaalo oo ah (Somaliland Shilling) ayaa waxaa markii ugu horreysay lasoo saaray bishii Oktoobar 1994-kii, iyadoo isla xilligaas la hirgeliyay isticmaalkeeda. Waxaana guddoomiyaha bankiga dhexe uu sheegay in wixii ka dambeeya bisha June ee sannadkan aan lacagta Shillin Soomaaliga ah laga isticmaali doonin guud ahaan Somaliland.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya