Dagaal u dhexeeya ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xarrakatul Shabaab oo saakay ka qarxay gobolka Gedo

Arbaco, Abriil 27, 2011 (HOL) Dagaal u dhexeeya ciidamada DKMG ah iyo kuwa Ahlusunna oo dhinac ah iyo xoogagga Xarrakatul Shabaab ayaa saakay ka qarxay deegaan lagu magacaabo Bur-sagaaro oo 25-km u jira degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, lamana oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Saraakiil u hadlay ciidamada DKMG ah iyo Ahlusunna ayaa sheegay inay iyagu weerar ku qaadeen xoogag ka tirsan kuwa Xarrakatul Shabaab oo halkaas saldhigyo ku lahaa, iyagoo sheegeen inay kusii siqayaan degmada Garbahaarey.

Xarrakatul Shabaab ayaan weli ka hadlin dagaalka, iyadoo mas'uuliyiinta u hadlay DKMG ah ay sheegeayaan inay guulo ka gaareen dagaalka ayna khasaare nafeed ku gaarsiiyeen xoogaggii Xarrakatul Shabaab.

"Go'aankeennu waa inaan maanta qabsanno degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo oo ay hadda ka taliso Xarrakatul Shabaab," ayuu yiri afhayeenka ururka Ahlusunna ee Koonfurta Soomaaliya Sheekh Maxamed Xuseen Isaaq.

Dagaalkan ayaa daba socday dagaal shalay gallinkii dambe ku dhexmaray deegaan lagu magacaabo Tuulo-barwaaqo ciidamada DKMG ah iyo xoogagga Xarrakatul Shabaab, kaasoo ay ku dhinteen toddoba ruux oo ka tirsanaa ciidamadii dagaalku u dhexeeyay.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in dagaalkaas uu dhaliyay dhaawacyo fara badan, laguna gubay mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ee ay wateen ciidamada DKMG, iyadoo labada dhinac uu mid walba sheegtay inuu deegaanka gacanta ku hayo.

Dhanka kale, weerar gaadmo ah oo lagu qaaday gaadiid ay wateen ciidamada DKMG ah oo ku socday degmada Baladxaawo ayaa waxaa ciidamadii dowladda kasoo gaaray dhimasho iyo dhaawac sida uu saaxafadda u xaqiijiyay xildhibaan Barre Aadan Shire (Hiiraale), balse ma uusan sheegin askarta ku dhintay tiradooda.

Afhayeenka ciidamada ee Xarrakatul Shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlay saxaafadda isagoo ku sugan Muqdisho ayaa sheegay inay u suurogasho inay qabsadaan gaari sahay ciidan u waday ciidamada DKMG ah ee ku sugan degmada Baladxaawo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya