Arbaco, Abriil 27, 2011 (HOL) – Maamulka cusub ee gobolka Mudug ayaa ballan qaaday in wax badan ay ka qabanayaan amniga degmada Gaalkacyo oo ay ka dhaceen bishan gudaheeda qaraxyo iyo dilal qorshaysan.
"Uma imaan halkaan inaan hantida dadwaynaha ku takrifalo ama aan taageero afkaar ay wataan kooxo kala duwan,balse waa inaan xaqiijinnaa baahida gobolka"ayuu yiri Maxamuud C/rixmaan gudoomiyaha cusub ee gobolka Mudug oo la hadlay warbaahinta.
Masuulkan ayaa tacsi u diray dadkii ku nafwayay dilalkii ka dhacay magaalada ,isagoo ku baaqay in nabad-galyada laga wada shaqeeyo si hormar loo gaaro.
Waxaa kaloo uu shegay Maxamuud C/rixmaan in maamulkiisa uu isbadal ballaaran ku samayn doono amniga ,isla markaana uu wax badan qaban doono inta uu xafiiska joogo. "Dadka Gaalkacyo waa in ay is cafiyaan si looga gudbo waxyaabihii dhacay ,sababtoo ah ma haboona in la daadiyo dhiigga qof maslim ah "ayuu hadalkiisa ku daray gudoomiyaha.
Maxamuud C/raxmaan Cuuke oo isku haya maamulka gobolka iyo kan degmada iminka ayaa ka digay dhibaatada ka imaan karta dilalki ka dhacay gobolka ,isagoo sheegay in arimahan laga dhaxlo colaad joogta ah iyo abaaro.
"Hadii aan la wada shaqayn waxaa imaanaysa in masuuliyada ay meesha ka baxdo ,shacabka ayayna wax kasta ku xiranyihiin "ayuu yiri gudoomiyaha mar kale,isagoo oo ka hadlayay munaasabad lagu soo dhawaynayay. Waxaa kaloo uu ku hanjabay in uusan u dul qaadan doonin waxyaabaha ka dhacaya gudaha Gaalkacyo,isla markaana ay gacanta ku soo dhigi doonaan dadka dilalka fuliya.
Madaxwaynaha Puntland C/rixmaan ayaa asbuucii hore u soo magacaabay gobolka Mudug maamul cusub ka dib dilal qorshaysan oo ka dhacay meelo ka mid ah Gaalkacyo.
Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya