Qarax ka dhacay duleedka degmada Luuq oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah

Arbaco, Abriil 27, 2011 (HOL) Ugu yaraan 10-qof oo shacab ah ayaa ku dhintay halka lix kalena ay ku dhaawacmeen qarax miino oo gaari kuwa rakaabka ah lagula beegaday shalay gallinkii dambe deegaan 15-km waqooyi kaga beegan degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Maamulka degmada Luuq ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa qaraxaas miino ku eedeeyay Xarrakada Shabaab, inkastoo mas'uuliyiinta Xarrakatul Shabaab aysan weli ka hadlin qaraxaas iyo eedeynta loosoo jeediyay.

"Gaariga qaraxa lala beegsaday wuxuu ka yimid degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool wuxuuna u socday degmada Doolow ee gobolka Gedo waxaa ku dhintay 10-qof, lix qof oo kalena way ku dhaawacmeen, waxaana ka badbaaday shilkaas sideed qof oo gaariga la socday," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Luuq ee DKMG ah C/llaahi Ibraahim Axmed oo saakay warbaahinta Muqdisho la hadlay.

"Dadka dhintay waxaa ku jiray caruur," ayuu hadalkiisa raaciyay isagoo sheegay in dhaawacyadii ka dhashay qaraxaas iyo dadkii badbaaday loo qaaday deegaankii ay ku socdeen, halka dadkii dhintayna lagu aasayo degmada Luuq.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool, Ibraahim Cumar Dheere ayaa isaguna sheegay in dadka gaarigaas la socday ay isugu jireen dad kasoo jeeda gobollada Hiiraan iyo Bakool una socday xeryaha qoxootiga.

Wararka ayaa sheegaya in dadka dhintay ay ku jireen haween da' ah, kuwaasoo la doonayay in laga qixiyo colaadda muddada dheer ka jirtay dalka Soomaaliya, waana qaraxii ugu horreeyay ee ka dhaca gobolka Gedo tan iyo markii ay billowdeen dagaallada u dhexeeya ciidamada DKMG ah iyo kuwa Xarrkatul Shabaab ee ka socda gobolkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya