Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxday Burburkii Buundada Kamsuuma
Arboco, September 15 (HOL) - Mar xafiiska HOL ee magaalada Kismaayo uu maanta booqday Buundada Kamsuuma oo xalay saqdii dhexe la go'day gaari xamuul ah oo kasoo rakaabsaday magaalada Muqdisho islamarkaasina kusoo wajahnaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa waxaan halkaasi kula kulannay dad goobjoogayaal ah oo halkaasi ku sugnaa xiligii ay go'aysay buundada.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo Abuu C/dalla oo ay HOL ka wareysatay qaabka ay buundada ula go'day gaariga rakaabka ah ayaa sheegay in gaariga oo ahaa nooca loo yaqaan 19ka islamarkaasina siday alaabo u badnaa bagaash oo xalay xilli danbe soo maray buundada walow ay uga digeen ciidamada ilaalada buundada in uu iska yareeyo rarka balse waxa uu sheegay in uu wadihii gaariga ka madax adeegay, haseyeeshee rakaabkii gaariga saarnaa ayaa ka dagay gaariga iyaga oo ka baqay in uu shil galo, kadib markii uu marayay bartaha buunadadana ay la go'day buunadada oo iyadu ahayd mid aan lahayn awood sidaa u weyn, waxaana uu halkaasi dhaawac kasoo gaaray darawalkii gaariga iyadoo kirishboygiina uu ka badbaaday.
Kusimaha waaliga gobollada jubooyinka ee xarakada Alshabaab Sheekh C/raxmaan Xudeyf oo isna HOL uga warbixiyay waxa sababay go'itaanka buundada ayaa sheegay in buundada ay saameyn balaaran ku yeesheen dagaaladii qabaa'ilaadka ee ka jiray Soomaaliya, isagoona in aysan ahayn wax la yaab ah in ay buunadada go'do, maadaama buu yiri ay buundada ahayd mid aad u taagdaran, waxaa uu sidoo kale sheegay in ay maamul ahaan hada wadaan dadallo ay doonayaa in ay dib ugu dhisaan buundadaasi oo iyadu laf dhabar u ah isu socodka gaadiidka ka shaqeeya gobollada jubooyinka iyo qeybaha kale ee dalka Soomaaliya.
Waxaa gabi ahaanba biyaha ku qarsoomay gaarigii ay buundada la go'day iyadoo ay buundada hal dhinac ka go'day, waxaana uu qasaaro kasoo gaaray ganacsatadii lahayd alaabtii saarnayd gaarigaasi, waxaana ay inoo sheegay qaar katirsan dadkii ay hantida u saarnayd gaariga in la la'yahay inta badan alaabihii saarnaa gaariga, balse ay jiraan alaabo yar yar oo ay biyaha qaaday oo laga soo helay tuulooyinka u dhow dhow Deegaanka Kamsuuma.
Banaanka hore ee buundada ayaa waxa ku xayirnaa gaadiid aad u fara badan oo iyagu ka kala yimid magaalada Kismaayo iyo qaar katirsan gobollada dalka Soomaaliya, waxaana gabi ahaanba xiran buundada, iyadoo ay goobta ku suganyihiin masuuliyiin katirsan maamulka islaamiga ah ee gobollada jubooyinka, kan degmada Kismaayo iyo Injineero iyagu qiimeyn ku sameynaya qaabkii loo dhisi lahaa buundada.
Buundada kamsuuma ayaa iyadu ahayd mid aan awood fiican lahayn tan markii uu bur bur xoog leh kasoo gaaray xilliyadii ay gobollada jubooyinka ka jireen dagaallada qabaa'ilaadka, waxaana gaadiidka rakaabka ah ee isticmaalo buundadaasi rarka looga dajin jiray afaafka hore ee buundada maadaama biraha ku rakiban buundada ay yihiin kuwo duqoobay xilli kastana la filan karay in ay bur buraan, waxaana go'itaanka buundada uu saameyn ku yeeshay guud ahaanba dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo dadka ee isaga kala gooshi jiray magaalada Kismaayo ee qaar katirsan gobollada Dalka Soomaaliya.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya