Buundadii Kamsuuma ee isku xiri jirtay Jubbada hoose iyo gobollada kale ee dalka oo burburtay

Arbaco, September 15, 2010 (HOL) − Waxaa xalay saqdii dhexe jabtay buundada Kamsuuma oo 90-km dhanka waqooyi kaga beegan degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, taasoo isku xiraysay Jubbooyinka iyo gobollada kale ee dalka, kaddib markii uu maray gaari xamuul badan siday.

Gaariga ay buundada la duntay ayaa la sheegay inuu ka tagay Muqdisho, uuna ku socday degmada Kismaayo, waxaana dhaawac fudud uu kasoo gaaray wadihii gaarigaas, iyadoo kaaliyihiisii oo la socday aysan waxba gaarin.

Shixnadihii ganacsiga saarnayd ayaa la sheegay inay biyuhu la tageen, waxaana maanta go'an buundada iyadoo aysan jirin gaadiid halkaas maraya, waxaana dadka deegaanku ay sheegeen inay tani saameyn ku yeelanayso.

Maamulka gobollada Jubbooyinka ee Xarrakatul Shabaab ayaan weli ka hadlin burburka buundada, waxaase lagu wadaa inay maanta ka hadlaan, iyadoo loo ogolaaday saxaafaddu inay booqato buundadaas.

Goobjooge ku sugan deegaanka Kamsuuma ee ay buundadu ku taallay ayaa u sheegay saxaafadda in gaariga uu waday raashin iyo shidaal, uuna ku dhacay webiga Jubba oo aad u buuxa.

Warar dheeraad ah oo ku saabsan burburka buundada iyo sawirro kala soco wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.

Hiiraan Online
News Desk