Maxkamadda Degmada Kismaayo oo Dib loo Furay Kadib Maalmo Dhowr Ah oo ay Xirnayd

Arbaco, September 15, 2010 (HOL) − Waxaa manta dib u shaqo bilowday maxkamadda degmada kismaayo iyadoo ay maxkamaddu ay xirnayd mudo 20 cisho ah, iyadoo uu maamulku sheegay in ay u xireen bisha ramadaan awgeed.

Qaadiga maxkamadda degmada Kismaayo Sheekh Crisaaq Caydiid oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in ay manta dib u fureen maxakamadda degmada kismaayo, kadib mudo 20 cisho ah oo uu sheegay in ay u xireen bisha ramadaan awgeed.

Sheekh C/risaaq ayaa sidoo kale sheegay in laga bilaabo maanta ay maxkamaddu furantahay islamarkaasina ay bilaabayaan kiisaskii kala duwanaa ee ay maxkamaddu qaadi jirtay.

Sikastaba ha ahaatee maxkamadda degmada Kismaayo ayaa waxa ay qabataa kiisaska kala duwan, waxaana marka aad booqato maxkamadda aad ku dhex arkeysaa  dadweeyne aad u fara badan oo iyagu halkaasi u jooga in lagu kala bixiyo kiisas ay isku heystaan, waxaana sida uu maamulku sheegay kiisaska ugu badan ee ay maxkamaddu qaado yihiin kiisaska la xiriira dhulalka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya