Dibadbax looga soo horjeedo talaabadii lagu gubilahaa Kitaabka Quraanka oo ka dhacay Beledweyne
Arbaco, 14,Sep, 2010 (HOL) Dibad-baxan oo marka dhinac laga eego ahaa kii ugu balaarnaa ee muddooyinkii ugu danbeeyay soo mara goballka Hiiraan ayaa waxaa ka qeyb-galay dadweyne isugu jira qeybaha bulshada kuwaasoo ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah talaabadii lagu gubay Kitaabka Quraanka Kariim-ka.
Saraakiil ka tirsan maamulka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo la hadllay dadkii isku soo baxay ayaa sheegay in talaabada lagu gubay Kitaabka Quraan-ka ah ay muujineyso sida ay hadalka u dhigeen cadawtinimada loo hayo guud ahaan Diinta Islaam-ka.
''Haddii markii hore la dhihi jiray Al-qaacida ayaa la dagaalameynaa, Al-shabaab ayaa ka soo horjeednaa, maanta waad aragteen in xaalku uusan aheyn mid ku eg koox iyo urur midna, laakiin loo socdo in la duleysto Diinta Islaam-ka,'' ayuu yiri mid ka mid ah Saraakiishii ka hadashay isku soo baxa.
Waxaa sidoo kale xusid mudneyd in mudaaharaadka ay ka soo qeyb-galeen haween ku hubeysnaa qoryaha AK-47, dhinaca kalana gacanta ku sitay Kibtaab-ka Quraanka, kuwaasoo sheegay in ay ka qeyb-galayaan wax ay ku tilamaameen Jihaad ka dhan ah Cadawgga Islaam-ka.
'''Runtii talaabada lagula kacay Kitaabka Alla waa mid aan leysaga hari doonin,'' ayeey tiri mid ka mid ah haweenkii joogay Mudaaharaadka kuwaasoo dhinaca kale ku baaqay dhamaan gabadha Soomaaliyeed in ay u soo baxaan difaaca Diinta.
Sikastaba isku soo baxa maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa saameyn muuqda waxaa ku lahaa goobihii ganacsiga, Waxbarashada, iyo waliba isku socdkii dadka iyo gadiidka oo dhamaantood la joojiyay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]