Jaamacadda Muqdisho oo kuu haysa waxbarasho Master ah

Arbaco, September 15, 2010 (HOL) − Jaamacadda Muqdisho oo looga bartay tacliin sare oo taya leh, kuna qaabaysan hababka casriga ah ee dunida wax looga barto, ayaa waxay kuu haysaa waxbarasho takhasus ah oo ay isla fulinayaan Open University Malaysia iyo Mogadishu University.

Barnaamijkuna waa: Master of Business Administration (MBA) waxayna Jaamacaddu qaadaneysaa dufcadii saddexad iyadoo horey u dhameysatay dufcadii koowaad sannad waxbarashadeeda 2009/2010.

Barnaamijkani wuxuu u fududeynayaa ardayda dhamaysatay waxbarashada heerka jaamacadeed:

  1. In ay helaan tacliin taya leh ayaga oo jooga dalkooda hooyo, wataana hawlahooda.
  2. In ay adeegsadaan Tiknaloojiyad casri ah iyo Manhaj caalami ah.
  3. In ay helayaan shaahado caalami ah kadib marka ay dhameystaan
  4. Waxa uu  u furanyahay  arday kasta oo heysta Shahaado jaamacadeed (Bachelor) afar sano

Is-diiwaan galintu waxay ka socotaa xarunta dhexe ee maamulka Jaamacadda Muqdisho ee Km5, waxayna isdiiwaan galintu ku egtahay  25/09/2010.

Saacadaha shaqadu waa 8:00 subaxnimo  ilaa  3:00 galabnimo.

Wixii faahfaahin dheeri ah fadlan la xiriir Xafiiska Maamulka Jaamacadda ee KM5: Tel:   0699-994664 – 932454 – 223433 – 858479 ama Fax: 216820 E-mail: [email protected]  ama [email protected]  ama booqo: www.mogadishuuniversity.com.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya