10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 15, 2010
Fatahaadda webiga Shabelle oo saameyay beeraleyda G/Hiiraan

Arbaco, 15, September 2010 (HOL) - Dhawaan ayeey aheyd markii magaalada Beledweyne iyo tuulooyinka ku dhaw dhaw ay ku dhufatay Fatahaad xoog leh oo ka dhalatay Robab ka da'ay goballka iyo wabiga shabelle oo buux dhaafay, waxaana ay xiligaa fatahaadu keentay barkaca dadweyne iyo waliba in ay meesha ka baxaan daligii in badan oo ka mid ah beeraleyda goballku ay filayeen sanadka.

Laakiin muddo gaaban kadib xili ay baaraleydu ku howlanaayeen in ay dib uga soo kabtaan dhibaatadii ka soo gaartay Fatahaadii dhaweyd ayaa haddana mar kale waxaa ay la kulmeen beeraleydu dhibaato kaga timid Fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle xili aysan wax roobab ay ka jirin guud ahaan goballka Hiiraan.

Hay'adda Wardi oo ay weheliyaan kooxo wariyayaal ah oo ayaa dhawaan waxaa ay ku soo wareegeen in badan oo ka mid ah beeraha ay Fatahaadu saameynta ku yeelatay, kuwaasoo ay siweyn ugu mashquulsanaayeen beeraleydu sidii ay ula tacaali lahaayeen biyaha dhax jiifa baaraha, waxaana halkaa ku soo wareegay mas'uuliyiin ka tirsan hay'adda Wardi islamarkaana ku waaciyay beeraleyda Jawaanno sida ay uga difaacaan biyaha beeraha aysan wali soo galin.

Dadkii halkaa lagula kulmay ayaa ka codsaday dhamaan hay'addaha Samafalka iyo dadka deeqaha bixiya in ay la soo gaaraan kaalmo deg deg ah maamada labo mar oo is xig xigtay biyuhu ka qaadeen daligii ay filinayeen, waxaana ay sidoo kale beeraleydu uga mahad celiyeen hay'adda Wardi kaalmada ay la soo gaartay oo ah sida ay sheegeen mid ku soo beegantay waqti ay aad ugu baahnaayeen maadaama laga yaabo in biyuhu u gudbaan qeybo kale oo aysan wali gaarsiisneyn.

Dadka ku nool wabiga hareerihiisa ayaa ah kuwo intooda badan nolashoodu ku tiirsan tahay tacbashada dhulka, laakiin waxaa ay mar marka qaar dadkaasi la kulmaan dhibaatooyin sababa in ay meesha ka baxaan Mirro ama dalag ay ku xisaabtamayeen gaar ahaan xiliyada uu wabigu Fatahaada sameeyo, waxaana taasi ay saameyn muuqata ku yeelata nolasha Qoysaska beeraleyda ah ee nolashoodu ku xiran tahay wax yaabaha uga soo go'a beeraha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledeweyne, Soomaaliya