Arbaco, September 15, 2010 (HOL) − Gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka ku yaalla oo ay intooda badan gacanta ku hayso Xarrakatu Shabaab ayaa waxaa ka socda mudaaharaadyo looga soo horjeedo goodintii uu baadari Mareykan ah ku sheegay inuu gubayo Kitaabka Qu'raanka.
Sidoo kale Culummaa'uddiinka Ahlusunna Waljamaaca ayaa iyaguna deegaannada ay ka taliyaan waxaa ka socda mudaaharaadyo, iyadoo dhinacyadan oo dagaal isaga soo horjeeda ay si wadajir ah u muujinayaan carada ay hadalka baadarigaas ka qaadeen.
"Gobollada aan ka talinno oo dhan waxaa ka dhacaya mudahaaraadyo aan kaga soo horjeedo hadalkii kasoo yeeray gaalka Mareykanka ah, innagoo muujinayna jacaylka aan u qabno Kitaabka Qur'aanka iyo awoodeenna," ayuu yiri Afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Dheere oo saxaafadda la hadlay.
Afhayeenku, wuxuu sheegay in dadka mudaaharaadka ka qaybqaadanaya ee ku nool walaayaadka ay ka taliyaan ay Kitaabka Qur'aanka soo qaadnayaan, si ay u muujiyaan rabitaankooda iyo jacaylka ay u hayaan.
Dhanka kale, afhayeenka Ahlusunna Sheekh C/llaahi C/raxmaan Abuu-Yuusuf oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay dhigayaan mudaaraad ay kaga soo horjeedaan hadalka kasoo yeeray baadariga Mareykanka ah.
Mudaaharaad ay soo qabanqaabiyeen dadkii ka barakacay Muqdisho ayaa shalay ka dhacay deegaannada Ceelasha-biyaha iyo Calammada, halkaasoo lagu gubay calanka Mareykanka iyo calanka Yuhuudda, mana jirin mas'uul ka qaybgalay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya