Arbaco, September 15, 2010 (HOL) − Jaamacadda Xamar oo la aasaasay 15-kii May 1999-kii, ayaa waxaa aasaasiddeeda lahaa Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) oo isagu ka mid ahaa macallimiintii wax ka dhigi jiray Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed.
Faarax Qare, waa guddoomiyaha jaamacadda Xamar iyo bare isla jaamacadda wax ka dhiga. wuxuuna door muhiim ah kasoo qaatay sidii jaamacaddaas ay u taabbo-geli lahayd, isagoo jaamacadda u suurogeliyay inay xiriirro la yeelato jaamacadaha kale ee ka jira dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.
Jaamacadda Xamar oo ay dhigtaan illaa 400-arday, ayaa intii ay jirtay waxaa ka qallinjabiyay, toddoba dufcadood, waxayna markii dambe isku badashay shirkad saamiley ah, oo ku dhaqmaysa qaanuunka aasaasiga ah, waxaana saamileydaas ay isugu jiraan rag iyo dumar.
Dr. Muumino Sheekh Cumar oo ah guddoomiye ku xigeenka maamulka ayaan wax ka weydiinnay, xilli ay jaamacaddu u diyaargaroobaysay furitaanka waxbarasho sannadeedka 2010/2011, waxayna sheegtay in sababaha jaamacadda loo aasaasay ay tahay inay daboosho baahida waxbarasho ee ummadda Soomaaliyeed.
"Jaamacaddu waxay raacday manhajkii waxbarasho ee jaamacaddii ummadda Soomaaliyeed, waana midda aan kaga duwannahay jaamacadaha kale ee dalka ka jira" ayay tiri Dr. Muumino. "Jaamacaddu, waxay ka kooban tahay lix kulliyadood oo kala ah: shareecada iyo qaanuunka, sharciga, dhaqaalaha, maamulka iyo maareynta, dhaqaalaha Islaamka iyo luuqadaha."
Guddoomiye ku xigeenka maamulku waxay intaas ku dartay in Jaamacadda ay wax ka dhigaan, macallimiintii hore oo isugu rag iyo dumar, waxay kaloo sheegtay in jaamacaddu ay ka mid tahay jaamacadihii ugu horreeyay ee dalka laga aasaaso markii ay dhaceen dagaallada sokeeye.
Mar aan wax ka weydiinnay bal inay saameyn ku yeesheen jaamcadda dagaallada ka socda dalka, ayaa waxay tiri: "Dagaalladu saameyn ayay nagu yeesheen waayo, haddana waxaa dhigta 400-arday, balse intaas ka badan ayaa horay u dhigan jiray."
Dr. Muumino ayaa sheegay in ardayda ka qalin-jabiya jaamacadda ay u raadiyaan fursado shaqo, kuwa doonaya inay waxbarashada sii wataanna ay ku xiraan jaamacadaha kale ee caalamka si ay aqoontooda u sii wataana.
"Waxaan xiriir la leennahay jaamacadaha ku yaalla dalka Taliyaaniga, gaar ahaan Roma, Padova, Verenze iyo Bologna, iyo kuwa gudaha dalka ku yaalla oo ay ka mid yihiin, kuwa koonfurta ku yaalla, Somaliland iyo Puntland, waxaana isdhaafsanaa, aqoonta," ayay tiri Dr. Muumino.
Intii jaamacaddu dhisnayd ayaa waxay ka qaybgashay siminnaaro loo qabtay macallimiinta iyo ardayda kuwaasoo ka dhacay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa si kor loogu qaado aqoontooda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya