Xildhibaannada baarlaaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya iyo khilaafkii madaxda oo weli taagan

Arbaco, September 15, 2010 (HOL) − Waxaa maanta kulan ku yeelanaya xarunga golaha shacabka mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo la sheegay inay warbixinno ka dhageysan doonaan guddoomiye ku xigeenka koowaad ahna ku simaha guddoomiyaha baarlamaanka oo shirka guddoomin doona.

"Xildhibaannada baarlamaanku maanta ayay kulan ku yeelanayaan xaruntooda Muqdisho, waxaana lagu dhageysan doonaan ajnadayaasha baarlamaanka horyaalla," ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar Maxamed oo saxaafadda la hadlay.

Mudanahan ayaa ka gaabsaday inuu sheego in kulanka maanta looga hadlayo mooshinka laga keenay xukuumadda iyo in kale, wuxuuse xusay inuu filayo in loo qaybin doono xildhibaannada mooshinka si ay uga soo aqristaan.

Xildhibaanku isagoo ka jawaabayay su'aal ahay in ra'iisul wasaaruhu uu kasoo qaybgalayo kulanka iyo in kale ayuu yiri: "Ra'iisul wasaaraha laguma wargelin inuu kulanka kasoo qaybgalo, waxaase loo yeeri doonaa maalmaha soo socda."

Kulan uu baarlamaanku yeelan lahaa shalay ayaa baaqday, kaasoo la sheegay in xukuumaddu ay ku hortegi lahayd xildhibaannada si ay kalsoonida u weydiisato, waxaase weli taagan khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda Soomaaliya.

Shirar kala gooni-gooni ah oo ay leeyihiin xildhibaannada iyo wasiirrada kala taageersan labada mas'uul ee khilaafku u dhexeeyay ayaa tan iyo xalay ka socday magaalada Muqdisho, iyadoo koox walba ay dadaal ugu jirto inay xubnaha kororsato.

Balse, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa shalay ka dalbaday xildhibaannada dalka inay gacan ka geystaan sidii loo xallin lahaa khilaafka kala dhexeeya Madaxweynaha, isagoo xusay in qofkii qaldan la tilmaamo oo aan laga baqin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya