Koox Maxkamadda Caynabo ka afduubay Haween Dacwad lagu waayay

Arbaco, 15 September 2010, (HOL)-  Ciidanka Booliska Somaliland ee degmada Caynabo, ayaa soo furtay laba haween ah oo subaxnimadii shalay ay koox gadoodsani afduubeen.

 

Sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Saraar Mr. Ibraahin Xasan Cali, kooxdaas gadoodsani waxay weerar ku qaadeen Maxkamad ay ka socotay dacwad loo haystay laba haween ah oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen laba gabdhood oo sida la sheegay la waayay.

 

“Subaxnimadii ayay dad abaabulani soo weerareen Maxkamadda, iyadoo markaa uu Maxkamadda ka socday kiis la xidhiidha laba dumar ah oo lagu eedeeyay laba hablood oo la waayay inay iyagu ka dambeeyeen, Maxkamadduna dumarkaas waxba way ku wayday. Dabadeedna dadkaas oo gadoodsani waxay soo galeen Maxkamadda, dadkuna dad abaabulan oo u eg in laga dambeeyay oo marka horeba hawlgal ahaan loogu talogalay bay ahaayeen, ka dibna labadii dumar ahaa way la baxeen, Booliskii yaraa ee markaa meesha joogayna way ka xoog roonaadeen, Maxkamaddana way burburiyeen wixii agab yaalay , qalabkii, qoraaladii yaalay iyo albaabadii guud ahaan. Markaa guddoomiyihii Maxkamadda iyo kaaliyihii baa dirqi kaga baxsaday oo naftooda la baxsaday,” ayuu yidhi guddoomiyaha oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da. “Baadhis baa socota, tuhuna wuu jiraa, laakiin waxaanu jecelahay inta wax cadaanayaan in baadhista la sugo,” ayuu ku jawaabay guddoomiyaha oo la waydiiyay inuu tilmaamo cida uu sheegay inay ka dambeeyeen kooxdaas weerarka ku qaaday Maxkamadda, afduubkana u gaystay labadaa dumarka ah.

 

Mr. Ibraahin Xasan Cali waxa uu sheegay in Maxkamaddu wax dambi ah ku wayday labadaas dumar ah oo uu sheegay inay ka soo jeedaan dadka Lahayb-sooco, kooxda weerartayna u xoog sheeganayaan. “Kuwan afduubka loo haysto ee xooga loo sheegtay waxaanu u balanqaadaynaa inay caddaalad heli doonaan, kuwa iyagu cabanaya ee caddaalada Maxkamadda ka cabanayana waxaanu u balanqaadaynaa iyana inay caddaalad heli doonaan, laakiin caddaaladu ay dariiq loo maro leedahay,” ayuu yidhi.

 

Hase yeeshee, ciidanka Booliska oo hawlgal ku qaaday kooxda wax afduubtay, waxay galabnimadii shalay ku guulaysteen inay soo badbaadiyaan labadaa dumarka ah ee la qafaashay oo dhaawacyo loo gaystay. “Imika oo keliya maaha, laakiin ilaa saddex jeer bay arrimahaas oo kale ka dhaceen Caynabo, waxaanan haddaan guddoomiyaha cusub ahay aan balanqaadayaa in waxaasi aanu Caynabo ku soo noqnoqone uu sharciga, dawladnimada iyo maamulku shaqeeyo,” ayuu yidhi guddoomiyuhu.

 

Waxa faahfaahin ah lama bixin inta uu gaadhsiisan yahay dhaawaca loo gaystay haweenkaa la afduubay ee ciidanku soo furteen. Hase ahaatee, Suldaanka guud ee Beelaha Gabooye Suldaan Daahir oo arrintan ka hadlay maanta, ayaa dhaleeceeyay falkaas, waxaanu ku baaqay in sharciga la horkeeno cidda fulisay falkaas.

 

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online

[email protected]

Hargeisa, Somaliland.