Boliska Bosaaso Oo Maanta Xabsiga u Taxaabay Boqolaal Kamid ah Shacabka Degmada

Isniin, July 19, 2010 (HOL) -Laamaha Ciidamada Puntland ee ku sugan magaalada Bosaaso ayaa Maanta xabsiga u taxaabay in ka badan 200 ruux ,kuwaasi oo laga qabqatay Daafaha Magaalada.

Waxaa la sheegay in dadka la xiray ay ku jiraan kuwa looga shakisanyahay Qaraxyo habeenadii la soo dhaafay lagu weeraray Ciidamada Degmada,isla markaana baaritaano lagu hayo.

Taliyaha Qaybta Boliska Bosaaso Cismaan Xassan Cawke "Afdalow" oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in howlgaladan ay yihiin kuwa lagu xaqiijinayo amniga degmada.

Waxaa kaloo uu taliyaha sheegay in cidii lagu helo danbiyada la baarayo la soo taagi doono Maxkamad si loo xukumo ,Waxaana uu ka gaabsaday inuu ka warbixiyo qarax xalay ka dhacay Bosaaso.

Dadka la qab qabtay ayaa la geeyay xarumaha saldhigayada ee Bosaaso ku yaala si baaritaano loogu sameeyO ,Waxaana howlgaladan ay imaanayaan ,iyadoo ay jiraan kiisas Gobolka ka dhacay Bilihii la soo dhaafay.
Taliska Boliska Bosaaso ayaa ballan qaaday in gacanta lagu soo dhigi doono dadkii ka danbeeyay Falalkii amaan daro ee Gobolka ka dhacay,Waxaana howlgalo kuwan la mid ah ay ka bilowdeen Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso,Somaliya